Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Caruurta Ku Dhalata Guurka Habar-wadaaga 1aad Oo La Sheegay Inu Keeno Cuduro Jirka Iyo Maskaxda Gala

Thursday - December 2, 2010

Culimadda aqoonta u leh cudurada hida sidaha ee ku dhaca Biniaadamka ayaa waxay ka digeen guurka habar-wadaaga koowaad amma in ay is guursadaan laba lamaane oo hooyooyinkood ay walaalo rasmi ah yihiin.

Culimadan oo cilmi-baaristan ka soo saaray dalka Ingiriiska, ayaa waxa ay sheegeen in guurka habar-wadaagu uu dhibaato xagga hida sidaha (genetic) ku keeno carruurta ay iska dhalaan habar-wadaagu. Waxa ay intaa ku dareen dhakhaatiirtan iyo guurka noocan oo kale ah in lagu arko amma ay dhaqan u tahay dadka islaamka ah iyo dhaqanada ka jira qaarada Asiya, kuwaas oo aan iyagu ka hor imanayn in ay is guursadaan habar-wadaagu, Waxa iyadu arrintan si gaara uga warrantay Anna Cryer oo ah iyadu takhtar cilmi u leh hida-sidayaasha ay ka digtay guurka noocan ah. Isla markaana, ay sheegtay in tirada ugu badan ee dadka jir ahaan iyo caafimaad ahaanba aan hagaagsanayn ay ku dhasheen guurka ay habar-wadaagu is guursadaan.

Waxay Mrs. Anna u soo qaadatay tusaale dadka Paskistaniyiinta ah ee degen dalka Ingiriisku in ay 55% guurka ay is guursadaan uu u badan yhay ka noocan ah, isla markaana marka loo eego bulshada ku dhaqan dalka Ingiriiska ay ka noqonayaan 3% kuwaas oo ubadka ay ku dhalaan guurkan aanay jir ahaan iyo maskax ahaanba caafimaad qabin intooda badani. Waxa iyaduna sidoo kale arrintan walaac wey ka muujisay, isla markaana u soo jeedisay in la yareeyo guurka ay habar-wadaagu is guursadaan.

Lady Deech oo muddo aad u dheer ka shaqaynaysay arrimaha la xiriira hida-sidayaasha iyo bac-riminta aadamaha .. Khabiirkani waxa uu sheegtay in lagu arkay dadka guurka noocan ah is guursada ubadkooda oo ay la soo darisaan dhibaato ka dhalata xagga hida-sidayaasha, kuwaasoo oo ilmaha u gudbisa xannuun ku keena inaanu jir ahaan iyo maskax ahaanba caafimaad qabin.

Mrs. Lady Deech waxay sidoo kale is barbar dhig ku samaysay dhibaatooyinka iyo faa’iidada uu leeyahay guurka noocan ah, taas oo ay sheegtay in faa’iidooyinka ugu badan ee uu leeyahay ay ka mid yihiin; 1- Xagga dhaqaalaha oo guurka ay habar-wadaagu is guursadaan uu ka kharash yaryahay ka lamaanayashaa aan waxba isku ahayni isku guursadaan .. Qoyska oo si dhakhso ah ku noqda mid si haysta, isla markaana isku xira eheliyada oo dhan .. Waxay ay qoyska u fududaysaa inaanu kala haajirin oo uu meel kuwada noolaado .. Guurka noocan ah waxa si aad ah u caawiya reerka ay wiilka iyo gabadhu ka soo jeedaan oo isku mid ah. Waxa ay sidoo kale sheegtay mar la waydiiyey in ay arrintani ka hor imanayso xaqa uu qofku u leeyahay in uu qofka uu doono guursado, waxaanay sheegtay in ay arrintaasi run tahay balse ay jiraan dhibaatooyin ku duugan guurkan oo ay isku gudbin karaan jiil ka jiil taas oo ay ku sheegtay in ay tahay dhibaato caafimaad oo la soo darista ubadka ku dhasha guurkan.

Waxa sidoo kale guurkan ay habar-wadaagu is guursadaan looga yaqaana qaarada Asiya ‘Qaraabo Kiil’ amma inuu yahay mid eex ah oo looga jeedo si ay reerku isku haystaan oo aanay kala tafaraaruqin .. Ugu dambayntii guurka habar-wadaaga ayaa waddanka Somaliya waxa uu ku yahay mid aan aad u badneyn balse beelha reer xamarka iyo reer baraawaha ayaa sida carabta ookale isuguursada, isla markaana waa mid uu dhaqan ahaan iyo diin ahaanba la ogol yahay. Bulshadeenu waxa ay sidoo kale aaminsan yihiin cilmi-baarista ay soo saareen khubaradaasi, iyagoo rumaysan in ubadka dhasha ay noqon doonaan qaar aan caadi ahayn badankoodu.