Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Waa Cajiib .. Puntland oo Ahayd Meel Maran Ayaa Ka Dheereysay Somaaliland By i Mohamed

Friday - December 3, 2010

Waxaynu wada ognahay in puntland oo ah maamul goboleed ka tirsan wadankii aynu kala gonay ee soomaliya in la aasaasay sideed sano kadib markii aynu inagu ku dhawaaqnay la soo noqoshadii xornimadeena, taas oo aynu kaga dhawaaqnay burco.
hadaba suaasha waxay tahay puntland mala odhan karaa way inaga dheeraysay? aan idiinka hor maro suaashaa jawaab teeda  jawaabtuna waa haa, bal hadaba aan sababeeyo sida ay inooga hor martay.
 
Laga soo bilaabo 1998 aa ahayd markii ay puntland lagu dhawaaqay ilaa 2009 waxay ahayd meel madhan oo aan lahayn wax laga sheego, may jirin haykal dawladeed oo lagaran karaa, may lahayn bilays iyo militry habaysan, waxay ahay maamul ay ku gabraartaan koox maafiyo ah oo wax walba kaganacsada sida budhcad badeednimada, tahriibinta, daabacaada lacago aan sharci ahayn iyo iwm, intaasso dhan inagu waxaynu ahayn qaar kaga duwan runtiina waa wax lagu faano waana waxa kaliyaata ee aynu caalamka  u iib gayno.
Maxaa hadaba badalay faraqii inoo dhaxeeyay inaga iyo puntland, taasi waa wax cad oo lagaran karo. puntland waxay xidhay dhamaan o ay laalaabtay in laysku haleeyo waxan loo yaqaan beesha caalamka, waxay ogaatay oy garatay in la noolaankaro iyaga la'aantood waxay xidhiidh la samaysay cid kasta oo ay u arkayso inay wax ku kordhin karto horu marka dalkeeda gaar ahaan sharaaigyada dunida ee madax banaan, waxa ay ka qayb gashaa dhamaan shirarka ganacsi ee aduunka oo ay fursad u heshaa inay la kulanto ashkhaas ama sharaaig iyadoon cidna u joojin nooc kasta oo ay shirkaa uga qayb gali karto waa ay uga qayb gashaa ha ahaato magaca puntland ama ka soomaliya ma kala jecla iyadu danaheeda ayay ka raacataa.

Maskaxdaada maku soo dhici karata amaba mais leedahay wixii laysku odhan jiray somaliya ayaa maanta diyaarado leh umalayn maayo inaad isleedahay, laakiin way jirtaa, puntland oo aynu garanayno siday u samaysantay iyo goorta ay samaysantay waxay yeelatay diyaarado ilaaliya xeebaheeda iyadooy ka saacideen shirkado aan dawli ahayn oo maanta xarumo waawayn ku leh, waxayna noqon doontaa haday sidan ku sii socota awooda ugu wayn ee ka jirta wixii laysku odhan jiray somaliya.
Somaliland hadaynu nahay waxaad moodaa inaynu mustaqbalkeenii iyo danaheeni ku xidhnay beesha caalamka oo maanta wax la taaban karo oo ay ina taraan aanay jirin marka laga reebo booqashooyin ay dublamaasiyiin inoogu yimaadaann iyo amaan aan meel jirin oo aad moodo in laynagu seexiyo, majirto kaalmo la arki karo oo ay ina siiyaan iskaba daa inay inagala shaqeeyaan hadafkeena ugu wayn oo ah aqoonsi.
Waxaan kula talin lahaa maamulka maanta jira inaanay wakhti badan kulumin sidii aynu isaga iibin lahayn beesha caalamka taasi way dhamaatay waayo wixii ugu qaalisanaa ee laynaga iibsan karayay waynu samaynay oo waxay ahayd doorashadii sida dumuqraadoiga ah u dhacday juuqna looma odhan oo wataa inagu baariday iibsi daayo cidina kaam inamay odhan. xaalada waa inaynu dhan kale uga wareegnaa inagoo qaranimadeena ilaashanayna, kalmada aqoonsi aqoonsi ee aynu in badan ku cel celino wuu iska iman doonaa ee bal iminka iyo haatan wa inaynu ku badalnaa kalmadaa horumar, horumar,horumar  isagaa iska iman aqoonsigu ye
 wabilaahi tawfiiq ... Iyo i mohamed .. [email protected]