Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Waa Qalinkii Prince Axmed C. Takar Iyo "Xaq Ninkii Lahaa Daba-socdo Ma Lumo"

Friday - December 3, 2010

Waxaan ka mid ahay somalida badan ee wadankoodii uga cararay
dhibka iyo dhiiga daadanaya mudada 20 sano iyo dheeraadka
e ay ku luntay qaranimadii iyo qiimihii soomaaliyeedba, taasoo
ay ku waayeen aniga iyo in badan oo ila mid ahiba : gurigoodii,
deriskoodii, shaqadoodii, wax barashadii ilmahooda iyo weliba
qaar ka mid ah qaraabadoodii ay jeclaayeen.
 
Waxaanse mar walba isku samir-siinaa in umadda somaliyeed
aysan ka dhamaanin wax-garadkii iyo aqoon yahaynkii oo weli
wax-uun uga nool yihiin damiirkoodii wadaninimo iyo dal-jaceyba
waxaan kaloo ku naaloon jirnay in waddankani uu ABAAL ku leeyahay
dad badan oo ugu yaraan ku neefsan jiray hawadiisa saafigaa,
ku taagnaa ciidiisa,harsan jirey calankiisa,wax ku bartay magaciisa
ku dhashay kuna dhaqday dushiisa ,marka intaasi oo dhan la eegana
ay waajib tahay oo la joogo waqtigii uu wadanku dib u heli lahaa
xaqiisa ka maqan muddada dheer oo ay ugu horeyso :horumarka
iyo dib-udhiska ,sharafta ciidiisa iyo calankiisa ,iyo dadkiisa
oo kuwada noolaada :nabad-gelyo ,cadaalad iyo sinaan..
 
Waxaa wax lagu farxo ah ,rajo wanaagsana kasoo muuqataa
xukuumadda cusub ee R/wasaare "Farmaajo" waayo waa markii
ugu horeysay ee la maqlo: R/wasaare ka leh shacabka hortiisa:
waxaan ku dhaartay oo kitaab ku maray inaan idiinku adeego
caddaalad, idinkama weyni , ila taliya, i caawiya, dembi hore
idinkama galin , wax walboo aan qabanayo waan idinla socodsiin
wixii nasoo gala iyo wixi naga baxaba, qofkaan xil u dhiibo waan
la xisaabtamayaa, ...imw
Hadaba soomaaliyeey miyeysan idiin muuqan in xukuumadani
ay xaqeenii noosoo celin karto hadii aan la garab istaagno
taageero dhan walbaa oo ugu yaraan la siiyo fursad eey shaqa
ku qaban karaan ee aan durbadiiba lagala hor imaan jilaafo iyo
lugooyo .

Waxaa ayaan darro ah iney jiraan qaar badan oo dhufeyska ugu
jira iney fashiliyaan dowlad walba oo lasoo dhiso,iyagoo u adeegaya
danahooda gaarka ah  amase dan qabiil, amase dano kale oo
shisheeye ..
Gidigoodba reer habar-dugaag wey gurxamayaane
mid waliba dhufeys buu la galay xeel u gooniyahe.

Waa Bilaahi Tawfiiq .. Axmed Cabdi Takar .. [email protected]