Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Jaadkii Ugu Badnaa Ee Ku Socday Dal Reer Yuruba Oo Lagu Qabtay Caasimada Jarmalka Ee Boon

Sunday - December 5, 2010

Germany: Jaad nooca miiro culeyskiisu ahaa 3.3 tan, laguna qiimeeyay 1.250.000 € (Hal Milyan Laba Boqol Iyo Konton Kun Oo Euro) ayeey meel fagaaro ah ku gubeen ciidamada booliska dalka Jarmalka, kadib markii la qabtay isagoo ku sii jeeda wadamada Scandinavianka (Swedan, Norway iyo Denmark).

Baabuur nooca xamuulka qaada oo ka yimid dalka Holand ayaa la qabtay isagoo maraya wadada Nr-keedu yahay A2, wuxuuna siday jaad .. jaadkaasina Waxaa waday nin u dhashay dalka Poland da'diisuna lagu sheegay 24 jir oo la shaqeynaayey somaali ka mushtarta Qaadkaas hasa ahaate aan iyaga la qaban

Booliska dalka Jarmalka ayeey u suuro gashay in ay gacanta ku dhigaan baabuurkaasi siday jaadka Xilli uu darwalku ku nasanayay meel qaxwaha laga cabo oo Ku tiilay wadada uu marayay dhinaceeda .

Dowlada Jarmalka ayaa jaadka waxa ay ku Dartay liiska muqaadaraadka dalkeeda mabnuuca ka ah, Waxayna inta badan Culeyska saaraan kuwa dalkeeda sharcidarada ku soo galiyo jaadka iyagoo ka soo qaada dalka Holand.