Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Soomaalidi Keenya Degened Oo Xabsi Lagu Sii Kuusaayo

Monday - December 6, 2010

Nairobi: Boqolaal qof oo Soomaali ah ayaa xalay laga qabqabtay xaafada Islii ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya,Wararka ayaana sheegaya in dadka laga qabqabtay qeybo ka mid ah wadooyinka, xaafadaha iyo hoteeladda xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, waxaana dadka la xirxiray ka mid ah dad Soomaali ah oo u dhashay dalka Kenya.

Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko ayaa sheegay in arrintaasi ay kala hadli doonaan dowladda Kenya, isagoo tilmaamay inay horay uga hadleen askarigii lagu dilay xaafada Islii, islamarkaana ay muujiyeen sida ay uga xun yihiin dilka loo geystay askarigaas, waxa uuna safiirka intaasi raaciyay in dowladda Kenya ay ka codsadeen in arintaasi darteed aan la bartilmaameedsan dadka Soomaalida oo kaliya iyadoo aan la xaqiijin ciddii ka danbaysaya falka dilkaasi.

Danjiraha dowladda Soomaaliya wakiilka uga ah dalka Kenya waxa uu sheegay inay dabagal ku sameyn doonaan dadkii la qabqabtay islamarkaana ay ku dadaali doonaan sidii loo deyn lahaa inta sharciga leh, halka dadka aan sharciyadda haysanna baaritaan lagu samayn doono lagana shaqeyn doono sidii arrintooda wax looga qaban lahaa.
Qabqabashada dadka Soomaalida ee xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa ku soo beegantay kadib markii maalintii Jimcaha ee la soo dhaafay nin boolis ah u ku dhintay weerar bambaano oo ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.