Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Waa Sanadkii Hijriyada1432 Ee Ku Ciida Barwaaqo iyo Basha Bash

Monday - December 6, 2010

Bahda Shabakada Wararka Galdogob Times Wuxuu akhriystayaashiisa meel kasta oo ay jooggaanba ilaahay uga baryayaa in sanadkan sanadkiisa uu ku gaarsiiyo barwaaqo iyo bash-bash bilashada Sanadka Cusub ee Islaamka Hijriga 1432 oo ku beegan waafaqsana Salaasa 07 /12/2010 .

Waxaan kalo Sanadkan cusub ummada uu rajeyneynaa kheyr, alla uga dhigo nabad, hoodo iyo ayaanba u leh faa’iidooyin waaweyn u la bisho Guud ahaan Caalamka ummadda Islaamka iyo ummadda Somali oo ay helaan nabad iyo masaalixo guud.

Xukuumadda cusub ee Farmaajo, iyadana waxaanu u rajaynaynaa inuu ilaahay garansiiyo marinka habboon ee ay ku haggayso dadkeeda, kuna soo dabaalayso caddaalad, xaqsoor, tayayn, tabaabushayn, tacabgelin, tabantaabin iyo toobiyaha saxa qaadistiisa.

Sanad waliba hoodiyo,

Hawl iyo dhibaatiyo

Wuxuu hadimo leeyahay

Waa laga helaayo

Hadhow lagu xusuustaa

Kii noo haggaagee

Noqo loo han weyn yahay

Noqo loo han weyn yahay!  1432  Hijriya