Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Gabar U Dhalatay Dalka Tunisia Oo Jaceyl Darti U Guursatay Nin Dhalinyaro Ah Oo Qaba Cudurka Aids-ka

Tuesday - December 7, 2010

TUNISIA: Gabar u dhalatay dalka Tunisiya ee Carbeed ayaa go'aansatay inay guursato nin dhalinyaro ah oo qaba cudurka dillaaga ah ee AIDS ka .. Gabadhaa oo 33 jir ah ayaa la sheegay inay iyadu caafimaad qabto laakiin ay go'aankaa u qaadatay jacayl ay u qabto ninkaa dhalinyarada ah ee cudurkaasi ku dhacay awgii,
 
Gabadhaa ayaa ninkaa guursatay iyadoo ay Raali ka yihiin Reerka ay ka dhalatay iyo Reerka uu ninkaasi ka dhashay, Hooyada ninka dhalinyarada ah ee cudurkaa qaba dhashay ayaa saxaafada u sheegtay in gabadhaasi ay caafimaad qabto isla markaana aanay qabin cudurka Aids ka laakiin jacaylka ay u qabto wiilkaasi uu keenay inay indhaha ka qarsato halista uu leeyahay cudurka uu qabo ninka ay dooneyso inay guursato, Gabadhaa ayay ka muuqataa inay dooneyso inay jacaylkeeda meel kulla dhimato,
 
Hooyada Wiilkan dhashay oo lagu magacaabo Shamsa ayaa sheegtay in markii ay wiilkeeda guursanaysay gabadhaasi ay u haysatay ciyaar iyo in gabadhaasi ay iska leedahay hadalkaa, Laakiin waxay intaa ku dartay in gabadhaasi ay iyadu soo iibsatay fargalkii uu u xiri lahaa ninkeedu iyo kii ay iyadu u xirenysayba,  iyadoo dooneysa inay tusto ninkeeda iyo hooyadiiba inay daacad ka tahay isla markaana ay si dhaba u guursanayso ninkaa ay jeceshahay ee qaba cudurka dillaaga ah ee Aids ka,
 
Gabadhan ayaa kalla kulantay dad badan oo ehelkeeda iyo asxaabteeda ah inay ka noqoto go'aankaa ay gaartay isla markaana aanay guursan ninkaa qaba cudurka halista ah, Laakiin gabadhaa ayaa sheegtay in aanay ka noqon doonin isla markaana ay dooneyso inay ka gun gaarto jacayalkeeda oo uu ku danbeeyo inay nolol la wadaagto ninkaa ay jeceshahay intay doonto ha gaadhee,
 
Ninka gabadhan guursanayey ayaa isna sheegay in gabadhaa oo ay aad isu jeclaayeen inuu in badan kulla taliyey inay iska deyso guurkiisa isla markaana ay ifka ayaamo ugu sii noolaato oo aanay u bareerin cudurkaa halista ah, Laakiin gabadhaa ayaa gaashaanka ku dhufatay talooyinkaa uga imanayey dadka iyo ninkeeda iyadoo xaalkeedu ahaa hog hadii aad ku dhacayso anuunbaa kaaga horeyn iyo iyadoo dooneysay dhib iyo dheefba inay la qaybsato jacaylkeeda xanuunka uu dareemayana ay la dareento,
 
Labada Reer ee Wiilka iyo gabadhaa ayaa sheegay inay ku qanciyeen labadaa lamaane ee is jecel xanuunkana isku qaatay in aanay caruur dhalin si aanay caruurtaasina uga qaadin xanuunkaa halista ah ee Aids ka, Iyagoo noloshooda si caadi ah u wadanaya una wada noolaanaya,
 
Hadaba Maxay kulla tahay  Jacaylku ma gaarsiisan yahay in illaa heerkaa gabadha ama ninku uu u bareero qof qaba cudurka Aids ka ama cudur kalleba, Mase la oran karaa waa jacayl dhab ah, Markaad eegto hadalada Abwaanada Soomaaliyyed ee ay ku sheegeen:

Haduu beerku qeybsamo barbaan adiga ku siin lahaa wadnahayga bidixdana waan kuu bedeli lahaa iyo Hog hadii aad ku dhacayso anuun baa kaaga horeyn iyo Kalla harimaynee u hubsoo, iyo qaar badan oo kalle oo tilmaamaya in qofku uu jecleysto inuu dhinto hadii uu waayo qofkii uu jeclaa.

Hadaba marka la eego hadalada ama heesaha Abwaanada iyo gabadhan iminka jacayl dartii guursatay ninka cudurka Aids ka qaba, Maxay adiga kulla tahay, Mise waa arin dumarka uun ku eg oo nin malaa ma guursadeen gabar Aids qabta xitaa hadii uu aad u jecel yahay?,,,
 
Aids-ka marka laga hadlayo ogow siyaabo kalla duwan ayaa loo qaadaa maaha in qofku xumaan sameeyey oo qura