Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Askari Ka Tirsan Ciidamada Dawlada Oo Moqdisho Lagu Qisaasay

Wednesday - December 8, 2010

Mogadisho : Askari ka tirsanaa ciidamada dowlada Soomaaliyaa ayaa maxkamadda ciidanka Qalabka sida ay ku fulisay xukun dil ah isagoo lagu toogtay faqaaraha Dugsiga sare ee Booliska magaalada muqdisho.

Askariga la dilay oo lagu magacaabi jiray Nuur Axmed Shire ayaa lagu toogtay magaalada Muqdisho isagoo mara madaw madaxa looga xiray.

Nidaamkan ayaa sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Maxkamad ay leeyihiin Ciidamada Dowladda KMG ah waxaa uu yahay mid bilaw ah oo ay qaaday maxkamadda isla markaana uu sii socon doono waana astaan muujineysa in kala dambeynti iyo dishibilinkii soo noqonaayo ee ciidamadi soomaali lagu arki jiray

Sida maxkamadu sheegtay askarigan gacan ku dhiiglaha ah ayaa waxaa la soo qabtay 15-6-2010, kaddib markii uu toogtay Dable Shaafici Abshir Cali oo ay ka wada tirsanaayeen Ciidamada Dowladda waxaana maxkamad la soo taagay 20/06/2010., waxaana eedeysanaha la sheegay inuu maxkamadda horteeda ka qirtay dambiga uu galay oo ah in uu dilay Shaafici , waxaana sidoo kale ku cadeeyey markhaatiyaal goob joog ka ahaa falkaan oo la hor keenay maxkamada