Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Wasiirka Arimaha Dibada Ee Somaaliya Maxamed Oomaar Oo La isku Dayey In Lagu Qabto Madaarka Barbara

Wednesday - December 8, 2010

Berbera - Sida Ay sheegeen Boliska Madaarka Berbara ayaa ku guuldaraystay inay qabtaan Wasiirka Arrimaha Dibada ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Oomaar, oo Isniintii ku sii hakaday Madaarka Berbera ka dib markii diyaaradii siday ay taransit ku sii martay magaaladaasi.

Maxamed Cabdillaahi Oomaar waxa uu ka mid yahay shakhsiyaadka u dhashay Somaliland ee xilalka wasiirnimo ka haya dawlada ku mee-lgaadhka ah ee dalka Soomaaliya, taasoo ay hore xukuumada Somaliland iyo goleyaasheeduba uga soo saareen go’aan qofka Somaliland u dhashay ee dawladaas ka qayb-gala ka dhigaya qof ku kacay khiyaamoqaran isla markaana ka soo horjeestay madaxbanaanida Somaliland.

 Wasiirka Arrimaha Dibeda ee dawladda ee Soomaaliya wuxuu u sii jeeday magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya waxaanu ka soo kicitimay dalka Imaaraadka Carabta .. Dad xilligaasi goobjoog ahaa oo ku sugnaa madaarka ayaa sheegay inuu diyaarada ka soo degay oo uu qadar ku sugnaa gudaha madaarka Berbera, halkaasi oo uu ka sii iibsaday sharaab iyo cuntooyinka fudud, ka dibna wuxuu si deg-deg ah ugu noqday diyaaradii Africa Airways ee uu la socday.

Ciidanka Booliska ee Madaarka Berbera ayaa la sheegay inay ogaadeen xilli dambe oo diyaaraddu ay isku diyaarinaysay inay duusho isla markaana ay wada fuuleen rakaabkii raacayey oo dhami, taaso la yiri waa talaabo muujinaysa feejignaan la’aanta Ciidamada amaanka ee ka hawlgala madaarka Berbera.

Ma aha markii ugu horeysay ee masuul ka tirsan dawlada Sheekh Shariif diyaarad ku soo maro garoomada hargeysa iyo berbera, hase ahaatee xiligii dawladii hore ee Riyaale ayay dhawr jeer oo kala duwan diyaarado la soo fadhiisteen saraakiil ka tirsan dawlada ku meel gaarka ah ee dalkaasi Soomaaliya oo aan talaabo laga qaadin.