Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Hogaankii Al- Shabaab Ee Jubooyinka Oo Laba Saf U Kala Jabay

Thursday - December 9, 2010

Kisimaayo: Xiisado colaadeed oo u dhaxeysa maleeshiyada Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa iney ka taagan yihiin magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubbada hoose, kadib markii horjoogaha ugu sareeya shabaabka jubooyinka uu maamul cusub u magacaabay magaaladaasi.

Horjooge Abuukar Cali Aadan, ayaa ku dhawaaqay inuu gabi ahaanba badalay maamulkii ka jiray Kismaayo uuna maamul cusub u magacaabay.

Xasan Yacquub Cali oo ahaa horjoogihii shabaabka ee Kismaayo ayaa ku gacan sayray isbadalka la sameeyay isagoo ku tilmaamay waxba kama jiraan, wuxuuna intaa raaciyay inuu yahay hogaamiyaha sharciga ah ee Kismaayo.

Khilaafkaan ayaa wuxuu dhaliyay in ay laba garab u kala jabaan shabaabka jubbooyinka, xilli Abuukar Cali Aadan uu sheegay in si ku meel gaar ah loo xiray xafiiska maamulka kismaayo iyo kan Maxkamadda.