Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Imaamkii Masjidka Tawxiid Ee Caasimada Kambala Shiikh Cabdi-Wali Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Friday - December 10, 2010

Kampala-Ciidamo dhar cad ah oo ka tirsan sirdoonka dalka Uganda ayaa habeenkii xalay ahaa abaaro 8:00 fiidnimo xir-xiray dhowr qof oo soomaali ah kuwaasi oo uu ku jiro imaamka masjidka soomaalida ugu weyn magaalada Kampala.

Sida ay wararku nagu soo gaarayaan ciidamo dhar cad ah ayaa galay masjidka loo yaqaan Towxiid, halkaas oo ay kala bexeen imaamka masjidkaasi Sheekh C/wali iyagoona ka qaatay masjidka dhowr kutaabo iyo kombuyuutar.
iimaamka ayaa la sheegay in ay horay usii mariyeen gurigiisa oo ay isna horay uga kaxeysteen dhowr ruux oo joogtay islamarkaana ay ku jirto xaaskiisa.

Guud ahaan tirada dadka la xir-xiray ayay wararku sheegayaan in ay gaarayaan 5, laba dumar ah iyo sadex rag ..Wararku waxa ay intaa raacinayaan in sidoo kale tiro tobaneeyo soomaali ah iyana la xiray

Lama oga ilaa iyo iminka halka lala aaday oo ay ku xiranyihiin shiikhaas iyo dadka la qabqabtay xaalka ay ku sugan yihiin.