Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Qunsulkii USA U fadhiyey Magaalada Bishaawir Bakistaan Oo Ka Carartay Shaqadeedi Markii Hanjabaad ..

Saturday - December 11, 2010

PAKISTAN - Qunsulka guud ee dalka mareykanka u fadhiyey magaalada bishaawir ee dalka Pakistan Elizabeth Rudd ayaa ka carartay magaaladaa iyo guud ahaan dalka Pakistan kadib markii Ururka Daalibaan ay ugu hanjabeen inay dilli doonaan, Gabadhan oo Qunsul uga ahayd dalka Mareykanka ayaa dalkeedii Mareykanka ku noqotay kadib hanjabaadaa uga timi ururka Daalibaan ee dalka Pakistan oo dagaallo qaraar kulla jira dalka Mareykanka,
 
Wakaalada wararka ee dalka Pakistan ee ARI ayaa sheegtay maanta oo sabti ah in Safiirka dalka Mareykanka u fadhiya dalka Pakistan uu sheegay in Qunsulka Bashaawir gabadha lagu magacaabo Elizabeth Rudd inay isaga tagtay dalka Pakistan iyadoo u baqaysa ama walwal ka qabta amaankeeda, Safiirka ayaa sheegay in Rudd aanay isk casillin jagada Qunsulka laakiin ay ka baqayso inay dillaan Ururka daaliban oo u hanjabay,
 
Rudd ayaa markii ay la kullantay hanjabaadaa ku wargelisay wasaarada arimaha dibada ee dalka mareykanka iyo safaarada mareykanka ee magaalada Islamabad in hanjabaadaasi soo gaadhay, Safaarada Mareykanka ee dalka Pakistan aya sheegtay in ayaamaha soo socda loo dhiibi doono Qunsul kalle oo bedella Rud kadib markii ay gabadhaasi nafteeda la carartay,