Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Wararkii Ugu Danbeeyay Diyaaradiii Saanada Milatari U Siday Puntland

Sunday - December 12, 2010

Hargaysa- Somaliland ayaa la sheegay inay ku talo jirto inay ciqaab adag oo gaari karta xabsi dheer ay ku qaado labada Calooshood u shaqaystayaasha ah ee u dhashay dalka South Africa ee la socday diyaaradii doraa ku soo dagtay garoonka hargeysa.

Diyaaradan oo la sheegay inay hub iyo saanad milateri ay u siday maamul goboleedka Puntland oo laga soo raray dalka South Africa, isla markaana Jimcihii doraad shidaalku kaga goostay hawada Somaliland markii ay soo gashay, kuna degtay madaarka caasimada Hargeysa ayaa waxa la socday 6 farsamayaqaano oo Ruush ah iyo laba calooshood u shaqaytayaal South African ah, kuwaas oo masuullinta Somaliland ay sheegtay in waraaqihii cadaymaha ahaa iyo qalabkii Military ee ay siday ay is yeelan waayeen, taas darteedna ay xukuumaddu sheegtay in baars dhab ah iyo macluumaad ay ka raadin doonto.

Diyaaradan oo ilaa iyo hadda fadhida madaarka hargeysa oo si weyn loo ilaalinayo ayaa waxa ilo xogogaal ahi ay sheegeen in masuullinta Somaliland ay qorshaynayaan inay ciqaab adag mariso labada xubnood ee South Africanka ah ee la socday diyaaradaasi.