Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Dagaal Lagu Khasaari oo Markale ka Qarxay Degaanka Galgala Ee Boosaaso

Sunday - December 12, 2010

Bosaaso: xigasho magaalo nat. Wararka ka imanaya Deeganada ku dhaw Buuraha Gal-Gala ayaa sheegaya in halkaas markale Dagaal ka curtay deegaankaasi Maalintii Shalay isla markaana ay Jirto dhiila colaadeed oo ka soo cusboonaatay deegaamadaasi ka dib markii ay Shalay weerar Gaadmo ah ku qaadeen maleeshiyada uu Hogaamiyo Attam Ciidamada PL ee ku sugan Gudaha Buuralayda GalGala.kaas oo sida la sheegay Keenay khasaare dhimashiyo dhaawac isugu jirta oo soo gaaray labada dhinac ee dagaalku dhexmaray.

Ma cadda ilaa hadda khasaaraha dhabta ah ee uu dagaalkani keenay inkasta oo wararka qaar sheegayaan in dagaalkaasi ay ku dhinteen 5 askari oo ka tirsan Ciidamada Puntland tiro kalena kaga dhaawactay taaso ku kaliftay in madaxweynaha Cabdiraxmaan faroole uu kala badalo ciidamadi aagaas hogaaminaayey kuwaas .. sida la sheegay dhaawaca ayaa loo qaaday Magaalada Boosaaso hasa ahaate dhinaca ciidamada Attam ayaan la sheegin khasaaraha soo gaaray balse la rumaysanyahay in khasaare dhaawac iyo dhimasho isugu jiraa ay soo gaartay taas oo aan ilaa hada la xaqiijin baaxada ay leedahay.
Dadka reer guuraaga ah eek u noola nawaaxiga Buuraha Galgala ayaa sheegaya in Diryanka Madaafiicda ay Maqlayeen isla markaana uu dagaalkaasi muddo dheer si xiriira ah u socday oo laysku habeensaday.
Sheekh Atam oo dagaalkan ka dib waar ka mida warbaahinta Puntland ayaa sheegay inaanay dagaalka joojinayn isla markaana ay Jilibka u Laabi-doonaan Ciidamada Puntland .. Maxamed Atam ayaa beeniyay inuu Muqdisho ku Sugan yahay kuna adkaystay inuu joogo meelihii uu joogay ee degaanada Galgala oo ay hore puntland Dagaal ugu dhexmaray.

Dagaaladan ka soo cusboonaday halkaasi ee Shalay iyo maanta dhacay ayaa wel wel ku Abuuray Maamulka Puntland oo Horay u sheegay inuu ka Faraxalatay Xoogagii Atam ee dagaalka Adag kula Jiray sidoo kale ciidamada Ajaanibka ah ee degan Qow ayay xiisadani Shaki wayn ku Abuurtay iyadoo laga cabsi qabo hadii uu dagaalku intaasi ka sii balaarto inay ka garab dagaalamayaan Ciidamada Puntland ee hada dagaalka ku jira.

Si kastaba ha ahaatee warbaahinta arimaasi u dhuun daloosha ayaa ka digaysa in deegaanadaasi ayaamaha soo socda ay hoy u noqdaan Dagaalo Culus oo aan waxba laysula harin kuwaas oo ay ciidamada Attam ku Garab siin karaan Dadka ku dhaqan deegaanadaasi oo si weyn uga soo horjeeda Qorshaha damacu ku jire ee Maamulka Faroole ku doonayo inuu dhidaal iyo macdan kaga Qoto Buuraha Galgala