Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Magaalada garowe oo Ay Ku Qulqulayaan Ciyaartooyda Gobolada Somaaliya

Monday - December 13, 2010

Garoowe- Kooxaha kubadda cagta ee gobolada Bakool iyo Jubadda dhexe ayaa soo gaaray  magaalada Garoowe ee caasimada Puntland kuwaas oo ka qaybgali doona ciyaaraha gobolada Soomaaliya oo bishaan 15keeda halkaas ka furmaaya

Labadaan gobol ayaa si sare loogu soo dhoweeyey magaalada Garoowe,waxaana ka qayb qaatay soo dhoweyntooda guddiga qaban qaabada ciyaaraha gobolada Soomaaliya oo Garoowe uga sii horeeyey.

Qaar ka mid ah ciyaaryahanada xulka gobolka Bakool ayaa warbaahinta Horseed Media u sheegay in ay rajeynayaan in ay guul balaaran kasoo hoyaan ciyaaraha gobolada Soomaaliya,waxaana ay mahadcelin balaaran ujeediyeen cidda soo qaban qaabisay.

Wasiirka maamul wanaaga Dawladda Puntland Maxamed Faarax Ciise Gaashaan oo maanta shir jiraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in heer gabo gabo ah ay marayso u diyaar garowga ciyaaraha gobolada.

Waxaa uu sheegay in haatan la sugaayo dhamaan gobolada in ay soo gaaran Caasimada Puntland iyadoo uu sheegay in guddiga qaban qaabada ay maalmahaan soo afjari doonaan howlahooda,waxaana uu ka codsaday dhamaan shacabka in ay la shaqeeyaan guddiga inta ay socdaan ciyaaraha.

Shalay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa soo gaarey ilaa 4-gobol oo ka qaybgali doona ciyaaraha,waxaana ay noqonaysa markii u horeysay Puntland ay soo qaban qaabiso ciyaaraha heerka gobol ee Soomaaliya.