Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Maleeshiyaad Xisbul Islaam Ee Gobolka Gedo-Luuq Oo Ku Biiray Al-Shabaab

Sunday - December 19, 2010

Gedo-Luuq: Wararka ka imaanaya degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in Xisbul Islaam lagala wareegay degmadaasi, taasoo ka danbeysay markii ay maleeshiyadii Xisbiga ee halkaasi ku sugneyd ay ku biireen ururka Al Shabaab.

Wararka ayaa intaasi ku daraya inay jireen wadahadallo ay yeesheen horjoogayaasha maleeshiyooyinka Al Shabaab iyo Xisbul Islaam ee ku sugan Luuq, ka hor intii aysan ku biirin Al Shabaab.

Degmada Luuq ayaa ahayd meesha keliya ee ay maleeshiyada Xisbul Islaam kaga sugnaayeen gobolka Gedo, halka deegaannada kale ee gobolka ay gacanta ku hayaan maleeshiyada Al Shabaab, marka laga reebo Degmada Dooloow oo ay maamusho kooxo sheegta iney raacsanyihiin Dowladda KMG ee Soomaaliya oo dhinacna taageera ka haysta sirdoonka itoobiyaanka.

Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ah degmada keliya ee ku soo hartay gacanta Xisbul Islaam, halka degmooyinkii kale ee ay dalka uga sugnaayeen ay si tartiib tartiib ah ugala wareegtay kooxda Al Shabaab.