Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Shiikh Xasan Daahir Aweys Oo Cadeeyey Inu Cududiisi Siyaaso Iyo Xoog Ku Biiriyey Ururka Al-Shabaab

Sunday - December 19, 2010

Mogadisho- Afgoye: sida la cadeeyey waxaa maanta duleedka dhinaca degmada daayniille Magaalada Muqdisho lagu agaasimay Xaflad Balaaran oo loogu talagalay is-bahaaysiga iyo is-raaca Ururka Xisbul Islaam ay ku Biireen Xarakada Al Shabaab Waxaana Xafladaas Goob Joog ka ahaa Xubnaha Ugu Sareeya Ururka Xisbul Islaam.

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa shegay in ay ku biireen Xarakada Al Shabaab wixii caawa laga bilaabo, oo u yiri waxaan ka midnahay dagaalyahanada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab .

Sidoo kale Waxaa Caawa deegaanka Ceelasha biyaha gaaray ciidamo farabadan oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab kuwaasi oo la wareegay gacan ku heynta deegaankaasi iyo deegaano badan oo ay horay u maamulayeen xisbul Islaam.

Dhanka kale inta badan wixii hub Ay hayeen Ururka Xisbul islaama ayaa lagu wareejiyay Al-Shabaab waxayna sheegeen wixii maanta ka biloowdo in deeganada ay gacanta ku hayeen ku wareejiyeen Al- Shabaab ayagana Ay ka Amar Qaadan Doonaan Xoogaga Al Shabaab

Sida Muuqata mideyntaan labada dhinac waxay muujineysa in qorshihi mucaaradka aan horay u baahinay ee wasiiradi hore iyo kooxihii mucaaradka ay qayb ka mida ujeedooyinkoodi wax ka hirgaleen.