Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Cabashooyinka Soomaalida Oo Weli Ka Sii Soconaaya Caasimada Labaad Ee Sweden

Monday - December 20, 2010

Gothenburg - Sweden: Waxaa Mar kale magaalada Gothenburg ka qabsoomay dibad bax daba socda mudaaharaadyo musalsal ah oo ay dhowaanahanba Soomaalidu ka wadeen magaaladan Gothenburg ee dalkan Sweden.

Dibad baxan oo ay kasoo qayb galeen Soomaali aad u tira badan oo ay dantu walaalaysay ayaa waxaa uu ku fooganaa sidii loogu dagaalami lahaa xuquuqaha ka maqan Soomaalida Sweden guud ahaan sida qoysaska la isu diidey, dadka loo diidey ruqsadii ay ku joogi lahaayeen dalkan Sweden, in dadka loo fududeeyo fursadaha shaqo ee dalkan iyo guud ahaanba diidmada ku aadan dukomentiyada cadeeyn kara qofka Soomaaliga ah oo ay aqoonsigooda kasoo istaagtey dowladda Sweden.

Arimahan ayaa keenay inay waxyaabo badani ku adkaadaan qofka Soomaaliga ah oo inta badan Yurub laga siiyo baasaboor loo yaqaano ''Dal ku galkii qofka aan la aqoonin'' ama ''Alien Passport'' kaasoo ay marar badan dhacdo in jiritaankiisaba marar badan la isku waydiiyo hoolalka gegooyinka caalamiga ah ama xitaa meelo ka tirsan isla gudaha dalka ku siiyay maadaama aanu Pass-kani cadeeyneynin dalka aad u dhalatay iyo waxa aad tahay laakiin uu sheegayo oo qura inaad dal hebel degan tahay.

Dibad baxyadan oo u qaab eg dhaqdhaqaaqa ''Tea Party Movement'' ee dalka Maraykanka ayay dadku ku qaylinayeen ''Cayr maya shaqo haa'' ''Gacan ka hadal maya'' ''Halla aqoonsado waraaqaha Soomaalida'' iyo kuwo kale waxaana hor boodayayay dad horseed ka ah bulshada Gothenburg gaar ahaan dhanka wanaaga iyo Soomaalinimada maadaama waxa la aasayaa ay yihiin jiritaanka beesha Soomaaliyeedna ay taasi ku xambaartay inay dhiidhiyaan inta aanay xeeriyo fandhaal kala dhicin, waxaana dadka ishu qabaneyso laga xusi karaa Sheekh Cabdi-Rashiid, Hooyo Khadra Calasoow, Hooyo Caasho, Oday Cosoble Yaasiin iyo halgamayaal kale.

Waxaana dibadbixii galabta ka khudbadeeyey qaar ka mid ah xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta dalkan Sweden oo laga far muuqi karo Xildhibaan Cabdu-Rashiid Waaberi oo baarlamanka dhexe kasoo gala magaaladan Gothenburg kana tirsan xisbiga haya xukunka Sweden ee Moderat-ka iyo sidoo kale haweeney ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee u dhaq dhaqaaqa cimilada iyo degaanka ee Miljö-ga oo ah xisbi qunyar socod ah oo kuligood sheegay inay garab istaagi doonaan sidii ay Soomaalidu xaqooda usoo xasilin lahaayeen isla markaana ay u dareemi lahaayeen inay yihiin dad katirsan ee aan dibadda ka joogin mujtamaca guud ee reer Sweden.

Sida ay ii sheegeen qabanqaabiyayaasha Mudaaharaadkan oo ku mideysan shabakad lagu magacaabo Sinaan Network way sii socon doonaan cabashooyinka iyo dibad baxyada ay dhigayaan iyagoo u qoondeeyey inay dibad baxa soo aadan ka hor dhigaan xafiiska wayn ee waaxda Socdaalka dalkan Sweden qaybta magaaladan Gothenburg hadii uu Alle ogolaado.

Tan iyo dhicistii nidaamkii dhexe ee Soomaaliya sanadii 1991-kii ayaa waxaa caadi iska noqday baahida, basaaska, balanbalka, bahdilka, baaba'a, baroorta iyo burburka ku dhacay dalka iyo dadka Soomaaliyeed waloow tiiyoo ay jiraan mushkilado bado mugood ah oo aan la moogeyn meesha ay sartu ka qurunsantahay aanay misna jirin hal mowjad oo xoogan oo waabin karta dabeeylaha duufaanta wata ee hortaagan danaha Soomaalida laakiin iminka ayaa waxaad moodaa inay bilaabmayaan tillaabooyin wax ku ool ah ee aan wax ku ood ahayn oo ay wadaan dad ay ka dhab tahay in dadka iyo dalka wax la taro tabariba meesha ay geeyso.

Waxaa isku Duwey: Maxamed Xaaji Xuseen Raage -Sweden