Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Cabida Shiishada 48 Jeer Ayey Ka Khatarsantahay Sigaarka

Monday - December 20, 2010

Beryahan danbe waxaa ku soo batay Bulshada  Soomalida Cabida Shiishada taas oo aanay Dadku la socon wax badan khatarta ay ku leedahay Caafimaadka Daraasad lagu sameeyay Maraykanka waxa ay sheegaysaa in cabida aad cabto hal Shiishada ama hadaan si kale u dhigo jiidida aad jiido hal mar adigoo cabaya Shiishada waxa ay u dhigantaa adigoo 7 midh oo Sigaara cabay bal ka waran hadaba ka  maanta oo dhan cabaya.

Daraasad cusub oo dhawaan lagu sameeyay  31 Qof oo isgu jira 18-50 sano jir waxa lagu ogaaday in ay  Shiishadu ka khatar badan tahay 45 jeer Sigaarka, waxaa ay cabireen cadadka Nikotiinka iyo Kaarboonka dhiiga ay galisay, Dadkii la baarayay marka la cabiray kii cabay Xabad Sigaara iyo kii Cabay Shiishada hal mar ama jiiday waxaa la ogaaday in ka cabay Shiishada uu ka dhib badan yahay kan cabay Xabad Sigaarka, hadaba waxaa lagu ogaaday Daraasadan in Shiishadu ka khatar badan tahay Sigaarka iydoo la sheegay in ay sabab u noqoto in ay kugu dhacaan  Infashan, Kansal, Dhiga oo ay ku badato Gaastu ama hawadu iyo Aydhisba.

Hadaba waxaa haboo in ay Dadku iska jiraan labadan dilaa ee halis galinaya Caafimaadka Qofka, taas oo ay Dadkuna ay is-leeyihiin raaxo ka raadiya, waa laba dilaa oo halis ku ah Caafimaadka Qofka, waxaa la ogaaday in Shiishada ay ku jiraan Sun fara badan oo ay ka mid yihiin Nickal, Chrome,Arsenic kuwaas oo sababa kansalka .. Xuseen Sulub