Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

War Deg Dega..Gacan Ku Dhiiglihii Boosaaso Oo Ubocdi Qarsooneyd Ee Dilalka Taxan Banaanka Soo Dhigay

Monday - December 20, 2010

Bosaaso: War aan si buuxda u dhameystirneyn oo kala dhiman ayaa naga soo gaaray magaalada Bosaaso oo sheegaya in qawleysatadi dhiiga shacabka miran jirtay ee kax iyo dirqiga laga taagnaa  xalaaleysatay dilka saraakiisha dawlada iyo madax dhaqameedka beelaha ayaa iminka raadkoodi la helay ayna bolisku ku hawlanyihiin soo qab-qabashadi ragi ka dambeeyey falalkaas dhacay, oo sida muuqata nabsigi isagoo ka yar bisad is keenay

Shabakadaan Galdogob Times ayaa warkaan u xaqiijiyey rag iyagu ka agdhaw saldhigyada baarista danbiyada Boosaaso oo sheegay in baaristi iyo daba galkii boliska ay ku raad joogeen dilalkii maalmahaan ka dhacayey magaalada Boosaaso ay hadda guul la taaban-karo ka gaareen kadib markii war fiican laga helay gacan ku dhiiglihii dilka u geystay sarkaalkii canshuuraha qaabilsanaa ee bartamaha boosaaso lagu dilay, kana soo jeeday beesha Cali Saleemaan

Ninka dilka geestay oo hadda xabsiga lagu hayo ayaa isna u dhashay beesha Cali Salemaan ee xooga u dagta degaanka .. gacan ku dhiiglahaas ayaa sida la cadeeyey soo hurgufay ubocdii u qarsooneyd raga shiirqoolada ka wada Boosaaso iyo xeesha ay isticmaalaan iyo halka laga soo abaabulo dhalinyarada wax disha oo u badan isla degaanka isagoo wax walba oo sira banaanka soo dhigay, waxaana la filaaya iney lugta la gashay ilma adeer iyo isiro degaanka ka mida oo soor loo adeegsaday