Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Qabqable Indha Cade Oo Sheegay In Daahir Aweys Aanu Ku Biirin Al-shabaab Ee Xoog Lagu Qabsaday

Wednesday - December 22, 2010

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo dhowaan sheegtay inuu yahay Gudoomiyaha Xisbul Islaam garabkii horay ugu biiray Dowladda ayaa markii u horeysay ka hadlay ku biiristii Kooxdii Xasan Dahir hogaaminayay ay ku biireen Xarakada Alshabaab.

Isagoo warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa Indha Cadde waxaa uu sheegay in Xasan Dahir iyo kooxdiisa xoog lagu qabsaday isla markiina is dhiibeen.

" Horay waxaa u jiray dagaal dhex maray Shabaab iyo Xasan Dahir, markii laga awood roonaadayna xoog baa lagu qabsaday ee isaga kuma biirin” ayuu yiri Indha Cadde.

Sidoo kale Indha Cadde waxaa uu sheegay in Xasan Dahir ay mar taleefanka ku wada hadleen isagoo joogay Nairobi, waxaana uu xusay in hadii dhankiisa ay ku soo biiraan uu soo dhoweynayo.

“Anigaa ah Gudoomiyaha Xisbul Islaamka Soomaaliya, Xasan ma uusan joogin markii la aas aasayay, Asmara ayuu ku maqnaa, markii uu yimid ayuu Cumar iimaan kala wareegay, aniga iyo isaga waxaan wada hadalnay mar aan Nairobi joogay, hadii uu nagu soo biirana waa soo dhoweynayaa”ayuu yiri Mr Indha Cadde.

Yuusuf Indha Cadde ayaa sidoo kale waxaa uu cadeeyay in labada dhinac hadii isku darsameen aanay waxba soo kordhineyn, waxaana uu tilmaamay in sidii horay loola dagaalamay hadana lala dagaalami doona.

“Hadii la helo Dowlad madax wanaagsan leh, Shabaab iyo cida kale ee la socota bilo kuma qaadaneyso in dalkaan laga sifeeyo” ayuu mar kale yiri Indha Cadde oo muujiyay in Dowladda ay tahay mid fashilantay.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Xisbul Islaam ay ku biireen kooxda kale ee ka tunka weyn Shabaab, kadib markii cadaadis iyo culeys dhinaca milateriga soo wajahayay, dagaalana loogala wareegay fariisimo ay ku sugnaayeen.