Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Qiisadaan i Ruxday Maad iIa Aragtid ..Kibirkii Geeribaa Ka Dambeysey

Thursday - December 23, 2010

Doqon Kibir Iyo Edebdaro La Qosashay Qaaraha Ku Dhacay Wey u Qalantaaye ..Waagii Baryaaba Waayo Leh ..Maalintii Timaada iyo Qoraxdii Dhacdaaba Waxa Dunida Ka Dhaca Qisooyin Mucjisaysan .. Mahadhiyo Raad Ka Tagta Ku Reebta Aadamaha Nool, Taas oo Loogu Talo Galay in Inta Garashada Leh Ku Cimri qaataan.

Nolosho qiime ma leh haddii aanad dhacdooyinka agtaada ka dhacaya aanad ku cimro qaadan, bani’aadamkana looma abuurin kaliya inay iska joogaan ee waxa loogu talagalay inay fiirfiiriyaan waxyaalaha ku xeeran iyo hareerahiisa waxa ka dhacaya.

Mucjisooyinka Rabaaniya ee dunida ka dhacaa waxay duruus u yihiin bani’aadamka si qalbigoodu u dabco, ilaahayna ugu dhowaadaan, maadaama oo si cad indhahooda loo tusay.

Dadka inta badan qisooyinka cajiibka ahi agtooda ka dhacaani waa dad la jecel yahay oo la doonayo sidii ay tubta toosan ugu dhici lahaayeen.

Qisadan aan maanta idiin soo gudbin doono waxa ka waramaya Sheekh Abubakor Xoosh, waana qiso dhab ah kana waramaysa gabadh muslimad ah oo inta waano la siiyey si dheel dheel leh ugu gaftay illaahii abuuray ee bani’aadamka ka dhigay, si aan qurux badnayna ula hadashay sheekhii wanaaga farayey, isla markiina la kulantay ciqaabtii Rabi.

Qisadani waa mid dhab ah oo aan la mala awaalin, waxayna ka dhacday dalka sucuudiga gaar ahaan magaalada faysaliya.

Magaaladani waa meel aad u qurux badan waxa lagu iibiyaa qalabyo qurux badan,waxyaalaha dhalinyaradu ka hesho,waxa soo booqda dhalinyarada raga iyo dumar, dadka ugu badan ee macmiisha waa dhalinyaradaas, meeshu waa meel had iyo goor camiran.

Qisadii oo uu sheekhu ka waramayana waxay u dhacday sidan; “Waxa meesha timid inan maro khafiif ah xiran oo cawradeedu si weyn u qaawan tahay, nin sheikh ah ayaa meesha soo galay waxa uu u dulqaadan kari waayey gabadhan muslimada ah ee aan asturnayn marka waxa uu is yiri u caqli celi oo wax u sheeg marka isagoo xishood la foorara waxa uu ku yiri walaal illaahay ka cabso oo ummada wax ka xiro oo is astur” waxxuu intaas si raaciyey “ haddii uu malakul mawd kuu yimaado adigoo cawradaadu ragu arkayaan maxaad yeeli lahayd”  inta ay ku qososhay ayey ugu jawaabtay oo iyadoo ku dheel-dheelaysa lana yaaban hadalka sheekha “ hoo Mobilkaygan oo ilaahay la hadal oo ku dheh malagii nafta qaadayey u keen way qaawan tahaye”

Sheeki intuu argagaxay oo hadalkeedii qaadan waayey ayuu isagoo bisanka haysta ka cararay meeshii.

Sheekhii wuxuu yiri albaabka ma aan gaarin walaahi-cadiim marka aan maqlayey qaylo halkii aan ka imid ka yeeraysa, naxdin iyo shoog ayaan galay oo yaabay waxa dhacay ee halkii aan ka imid ka dhacay iyo waxa ka qaylinaya, dabadeed goobti markaan dib ugu soo noqdey ee aan iri maxa dhacay? mise waxa markiiba arkay inantii ila hadlaysay oo wajiga u dhacday oo dhulka taalla, isla markiina bartii bay nafta kaga baxday oo waaba mayd.

Markaan arkay inay iyadii tahay ayaan dadka u sheegay in aan iminka wada hadlaynay oo aan uga waramay hadalkii aanu is-waydaarsanay.

Dadkii ku soo buuqay markaan u sheegay intaas ee ay iyaguna arkayeen inanta oo laafyoonaysa iyo sida ay is lahayd ayey naxdin qalbigu siin kai waayey inay sii dul joogsadaan maydka, inay oohin bilaabeen ayey meeshii ka yaaceen.

Qisadani waa mid u baahan inay hablaheenu ku cibro qaataan oo ay noqdaan kuwo ku faana asturnaanta, kuwa jidkii suubaanaa ee nabiga raaca kuna dayday, iskana xakameeya fasahaadka iyo dambiyada badan ee bani’aadamka ka dhaca