Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Madaxa Xafiiska M/tooyada S/Land Xirsi Cali Oo Lagu Eedeeyey Inu Lunsaday $500,000 Hasa-ahaate ....

Wednesday - December 22, 2010

Hargeysa: Waxa shalay oo taariikhdu ahayd 22 December 2010 boga hore ee Wargeyska Hargeisa Star ku soo baxay war lagu sheegay in lacagti madaxtooyada la lunsaday, sida muuqatana warkaas ka soo baxay wargeyska waxuu noqonkara waa haddu beenoobo bareer qaawan oo wax lagu yeelaayo sharafta Masuulkaas u wargeysku tilmaamay .. warka wargeyska Hargeysa Star ayaa oranaaya Chief Cabinet-ka Madaxtooyada Mudane, Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa lunsaday lacag dhan $ 500,000 (Nus Malyuun Dollar). Lacagtaas oo sida wargeysku sheegay laga soo qaaday Dekedda Berbera, isla markaana Loogu tala galay socdaalkii Madaxweynaha Siilaanyo oo dhawaan dalka dibediisa ugu baxay.

Hasa-ahaate war-saxaafadeed uu ku saxiixanyahay afhayeenka madaxtooyada Somaaliland Cabdulaahi Maxamed Daahir ayaa ku beeniyey warka u qoray wargeyska Hargeysa oo yiri waa been abuur,sheeko iyo khiyaal la mala-awaalay, waxuuna warkiisa ku soo gabagabeeyey in xafska madaxtooyada ay wargeyskaas sharciga la tiigsan-doonaan