Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Abubakar Shariif Axmed Iyo Aboud Rogo Oo Loo Haysto Baskii Lagu Qarxiyey Magaalada Nairobi

Thursday - December 23, 2010

Kenya- Tuhun Eedeysanayaal lagu kala magacaabo Abubakar Sharif Ahmed Abubakar (alias Makaburi ) iyo Aboud Rogo Mohammed ayaa lagu tuhmayaa iney ka mid ahaayeen maskaxdii ka dambeysay qaraxii bam gacmeedka ee F-1 ee lagu qarxiyay goobta laga raro basaska taga magaalada Kampla (Kampala Coach), uuna ku dhintay qof ka ag dhowaa iyadoo tiro badan ay ku dhaawacmeen qaraxaasi.

Warar laga helay dacwad oogaha ayaa sheegay in eedeysanyaashani laga soo qabtay maalintii talaadada aheyd magaalada Mombasa, waxaa looga shaki qabaa iney ka dambeeyeen qaraxaasi, iyadoo mid ka mid ahi lambarka talefonkiisa laga helay ninka qaraxa ku dhintay Mobile-kiisa.

Abubakar Sharif Ahmed iyo Aboud Rogo ayaa Saraakiisha Ciidamada Sirdoonka Kenya oo kaashanaya kuwa FBI-da ayaa la sheegay Magaalada Neyroobi ka bilaabeen baaris, kadib markii laga soo qabtay Mombasa laba Eedeysane oo lagu tuhunsan yahay iney ka tirsan yihiin Xarakada Shababka ayna ka dambeeyeen qaraxii dhowaan 3 qof ay ku dhinteen iyo tiro kale oo dhaawacyo kala duwan ay ka soo gaareen, waxaana lagu wadaa in dacwad lagu qaadaayo eedeysanayaashani la bilaabi doono dhowaan, iyadoo diyaarad lagu qaaday oo la keenay magaalada Neyroobi si loo maxkamadeeyo.
Waxaana sirdoonka kenya ay sheegeen labada edeysane iney dhowaan safaro ku tageen konfurta Soomaaliya, waxeyna xiriiro dhow la leeyihiin Kooxda Shababka oo dagaalada ka wada Konfurta Soomaliya, iyagoo la sheegay iney aqoon sare u leeyihiin farsameynta walxaha qarxa oo tababarna uu ku soo qaateen dalka Somaliya.
Eedeysane Aboud Rogo Mohammed, ayaa Boliisku ay sheegeen inuu ka mid ahaa dadkii loo qabtay sanadkii 2002 qaraxii Hoteelkii Yuhuuda ee magaalada Mombasa, ayna ku dhinteen dad gaaraya 15, waxaana lagu helay dembigaasi sanadkii 2005, isaga iyo 3 kale oo eedeysane.

Boliiska ayaa sheegay in qaraxa Neyroobi uu ku dhintay ninka lagu magacabi jiray Albert Olando Mulanda oo 35 sano jir ahaa wuxuu ku dhashay dalka Tanzania, iyadoo ay Boliiska Kenya ay weydsteen dhigooda Tanzania iney faraha iyo DNA ninkaasi soo baaraan, kaasoo hadda lagu hayo meydkiisa qaboojiyaha magaalada Neyroobi.
Saraakiisha Boliiska ayaa sidoo kale sheegay in Gaariga Gudoomiyaha degmada Embakasi oo xiligaasi marayay xaafada section 3 ee Islii ee soomaalidu ku badan tahay, qarax bam gacmeed oo lagu dilay Askari ka tirsan Ilaalada Gudoomiyaha oo gaariga la socday 3-dii Dicembar, iyadoo laga yaabo in xiriiro kala dhaxeeyo qaraxaan kale, bacdamaa labada qarax ay ahaayeen bam-gacmeedka F-1 ee lagu farsameeyo dalka Ruushka.

Warbixinta boliiska ayaa lagu sheegay in sido kale 26 qarxiyayaal laga helay bus tagay magaalada Kampala horaantii bishaan ayna baarista ku ogaadeen iney laga soo qaaday walxahaan qarxa dalka deriska ah, Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in dalkoodu ay ku sugan yihiin tiro badan oo taageerayaasha kooxda Shababka kuwaasoo laga yaabo iney xafladaha Ciida Masiixiga iyo tan sanadka cusub ay falal noocaan oo kale ay ka geystaan.