Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Julian Asanj oo Sheegay Inusan Ahayn Qorqode Dumarka Ku Dheg-dhga Iyo Inu Hayo Sir Burburinkarta....

Thursday - December 23, 2010

London- Julian Asanj oo ah ninka Asaasay jariirada Wikileaks isla markaana ah ninka Bilihii lasoo dhaafay aduunyada wareerka geliyey ayaa sheegay inuu hayo cadeymo iyo sirro waaweyn oo Bur Burin kara Bangiyada aduunka ugu waa weyn ee ay iska leeyhiin xukuumadaha waaweyn ee isaga iminka Eryanaya,  Jariirada THE TIMES ayaa sheegtay in Asanj wareysi dheer oo lala yeeshay kadib markii lasoo daayey inuu sheegay sida uu uga xun yahay Jariirada Kalle ee The Guardian oo qortay warbixin isaga kasoo hor jeeda iyadoo markii hore ay jariirada The Guardian ay ahayd kuwa sida aadka ah u taagersan Mr. Julian Asanj,
 
Julan Asanj ayaa sheegay inuu hayo sir culus oo ku saabsan qaar kamida Bangiyada waaweyn ee caalamka iyadoo uu sheegay in hadii uu soo bandhigo sirrahaa iyo cadeymahaa in dhaqaalaha bangiyadaa iyo caalamkuba uu la kulmi doono dhaawac iyo dhabar jab weyn, Mr.Asanj oo la weydiiyey Sababta uu u soo ban dhigi waayey cadeymahaa iyo Sirrahaa bangiyada ku saabsan ayuu ku jawaabay in aanuu dooneyn inay Bangiyadaasi dhibaatoodaan laakiin hadii lagu kalifo uu soo bandhigi doono,
 
Mr.Asanj oo wax laga weydiiyey inuu yahay nin Qorqode ah oo dumarka halis ku ah ayaa ku jawaabay inuu dumarka u jecel yahay sida Raggoo dhan u jecel yihiin laakiin aanuu ahayn Nin Qorqode ah oo dumarka ku dheg-dhega, Asanj ayaa intaa ku daray in dacwada ay kusoo oogtay dalka Sweden ee ah inuu kufsaday laba hablood oo u dhashay dalkaa inay tahay mu,aamarad la doonayo in lagu fadeexadeeyo isaga iyo wargeyskiisa afka dheer ee Wikileaks,
 
Mr.Julian Asanj oo Ah 39 u dhashay dalka Australia ayaa iminka lagu xukumay xabsi gurri dalka Ingiriiska dhexdiisa isagoo sheegay in dalka Ingiriisku uu doonayo inuu u musaafuriyo una gacan gelliyo dalka Sweden. Asanj ayaa intaa ku daray in aanuu hellin caddaalad wanaagsan, Asanj ayaa ku Eedeeyey dalka Sweden inuu yahay mid aanay ka jirin caddaalad wanaagsan isagoo sheegay in hadii loo gacan gelliyo dalka Sweden in waregeyskiisu uu soo deyn doono sirraha iyo cadeymaha ku saabsan denbiyada iyo dhagaraha ay galleen madaxda waddamada isaga Eryanaya,
 
Julain Asanj ayaa ugu danbeyntii u ballan qaaday Telefishinka AL-JAZIIRA inuu u soo gudbin doono kumaan kun Sirrood iyo cadeymo ku saabsan dalka Israel isgoo intaa ku daray in aanuu u aabo yeeleyn dowlada Yuhuuda oo uu kashifi doono dhagaraha ay ka geysteen dhulka falastiin, Asanj oo ay wareysi la yeelatay Al-Jaziira ayaa sheegay inyy hayo 3700 oo sirrood oo ku saabsan dagaalkii Israel ay la gashay Dalka Lubnaan iyo dilkii hogaamiyihii Xamaas ee Axmed Yaasiin iyo cadeymo kalle oo ku saabsan dowlada Israel, Asanj ayaa cadeeyey in aanay jirin heshiis uu la galay dalka Israel oo ku saabsan cadeymahaa iyo sarrahaa isagoo ku ballan qaaday inuu soo bandhigi doono.

Barkhad Cabdullaahu Maxamed - Sweden