Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Taliyaha Booliska Dubai Gen. Khalfaan Oo Sheegay In WiKileaks Soo Kashifi--doonto Cidii Dhishay ....

Saturday - December 25, 2010


Dubai - Taliyaha Ciidamada Booliska Ee magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaraadka Carabta Mr. Daaxi Khalfaan ayaa sheegay in Sirraha uu soo waddo Wargeyska Wikileaks uu cadeyn doono in Sirdoonka dalka Israel ay ka danbeeyeen dilkii mid kamida hogaamiyayaasha Ururka Xamaas Maxmuud Mabkhuukh  ee lagu dillay Bishii koobaad ee sanadkan magaalada Dubai,
 
Gen: Daaxi oo u waramayey maanta jariirada GULF NEWS ayaa sheegay in warbixinadaa uu soo waddo wargeyska Wikileaks ay sheegi doonaan xaqiiqada cidii ka danbaysay dilkii hogaamiyahaa ka tirsanaa Ururka Xamaas Ee Maxmuud Mabxuux,
 
Bogga Wikileaks ayaa isagu sheegay inay soo bandhigi doonaan sirro iyo cadeymo ku saabsan dagaalkii ay Israel la gashay Ururka Xisbullah sanadkii 2006 iyo cadeymo kalle oo ku saabsan dilkii hogaamiyahaa ka tirsanaa xamaas ee lagu dillay magaalada Dubai,
 
Gen: Daaxi KHalfaan ayaa sheegay in aanay sharci ahayn in la xidho ama sidaa xun loo Eryado ninka Asaasay wargeyskaa Ee Julian Asanj isagoo intaa ku daray in Runta iyo Xaqiiqada oo la cadeeyaa aanay ahayn Danbi,  Dhinaca kalle Ciidamada Sirdoonka dalka Israel ayaa hore ugu hanjabay Taliyaha Booliska ee magaalada Dubai Gen, Daaxi Khalfaan in hadii uu ka bixi waayo dabo galka uu ku hayo sirdoonka Israel inay isagana khaarajin doonaan,  Iyadoo Daaxi Khalfaan oo cod dheer ku sheegay in sirdoonka Israel ay ku dilleen magaalada Dubai hogaamiyahaa ka tirsanaa Ururka Xamaas ee Reer Falastiin,  Warar kalle oo soo baxayey ayaa sheegay in xukuumada dalka Qadar oo iyada ay aad isugu dhow yihiin dalka Israel inay dhex dhexaadin ka sameysay sidii ay u heshiisiin lahayd Sirdoonka Israel iyo Taliyaha ciidamada Booliska Dubai Daaxi Khalfaan, Iyadoo dhowr bilood ka hor lagu soo qoray qaar ka mida jaraa,idka carabta in Daaxi khalfaan uu u duulay dalka qadar si uu halkaa ugula kulmo Sirdoonka dalka Israel,
 
Barkhad Cabdillaahi Maxamed / SWEDEN