Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Mooshin Lagu Mirqaan-sanyahay Oo Ka Dhex-socda Hogaamiyasha Shabaab Si Xilka Looga Qaado Ina-Godane

Sunday - December 26, 2010

Xog xasaasiya oo ay soo tabiyeen ilaha sirdoonka reer galbeedka ee u dhuun-dalool dhaqdhaqaaqa Argagixisada Al-shabaab ayaa daaha ka rogtay, in uu jiro dadaal xoogan oo la doonaayo in lagu bedelo hogaanka Ina-Godane iyo Xulafadiisa. Dadaalkaas ayaa ah mid iminka si xawliya uga dhex-socda Taliska Shabaab-ka.

Dadka taxliiliya ama odorasa colaada dhiiga badan daadinaysa ee ka oogan koofurta Somalia ayaa ka fooliyey ama sahamiyey Isku-dhac laxaad leh oo ku soo foole Kooxda Al-shabaab. Dhinaca kale Sarkaal Maraykan ah oo u hadlay la dagaalanka Argagixisada ee Geeska Africa ayaa isna shaaca ka qaaday in Dahir Aweys uu ku biiray garabka ay is hayaan Ina-Godane ee uu hogaaminaayo Sheikh Mukhtaar Roobow, sarkaalka oo sii wata hadalkiisa ayaa yiri Dahir Aweys muu haysan awood iyo xoriyad uu cid kula bahoobo, laakiin waxa uu miciin biday in hoos tago garabka Mukhtaar Roobow. Arinta Dahir Aweys iyo garabka Mukhtaar Roobow waxa ka soo shaqeeyey oo isu soo dhaweeyey laba wadaad oo Shabaab-ka ka mid, isla markaana ay isku Hayb yihiin Dahir Aweys ..Waa Khaliif Cadale iyo nin lagu sheegay Sheikh Burhaan, kuwaas oo ahaa raggii la shaqayn jiray Adan Hashi ceerow. Marka aad eegto qaab-ka dhaqdhaqaaqu u socdo iyo hadalada kulkulul ee ka soo yeeraaya wadaadka isna la yiraahdo Fu’aad Shangoleh oo ku kacsan Ina-Godane ayaa waxa soo baxaaya Gadood ka socda Shabaab-ka Koonfurta iyo Gobolada dhexe oo ku jahaysan hogaanka Ina-Godane iyo Ibrahim Xaaji jaamac Meecaad.. labadaa nin oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Degaanada Somaliland oo iyaguna garab iyo gaashaan ka haysta kooxda lagu magacaabo Muhaajiriin oo ah shisheeye saamayn weyn ku leh Taliska sare ee Al-shabaab.

Shir ka dhaci-doona xaafada Dayniile oo ku taal Muqdisho ayaa la sheegay in uu yahay mid ay dalbadeen Horjoogayaasha Muhaajiriinta kuwaas oo doonaaya in ay xal u helaan khilaaf la degay Horjoogayaasha Shabaab-ka oo muddo bilooyin ah isku haystay dhinaca awooda, qaabka loo maamulaayo kooxda & dhaqaalah soo gala, waxaana la sheegay in kulamadaas ay ka qayb-galeen horjoogayaasha ugu caansan Kooxda oo ay ka mid yihiin Ibraahim Xaaji Jaamac Meecaad, Horjoogaha Maleeshiyada Jubooyinka, Amniyaadka iyo Jeeshka Al-cusra, Axmed Cabdi Godane Horjoogaha Shababka, Mukhaatar Roobow Ku-xigeenka 3aad ee Shababka, Xuseen Dayniile madaxa Siyaasada, Fu’aad Shongolo Daaciga Shababka, Cali Dheere Afhayeenka, Xasan Turki, Xasan Daahir, Khaliif Cadale iyo xubno kale, dhanka Muhaajiriinta ayaa la sheegay in uu kulankaasi uga qeyb galay Mahamed Abdulah Fazul, Wakiilka Geeska Afrika, Madaxa maaliyada Sheikh Muhammad Abu Fa’id oo u dhashay Sacuudiga, Abu Musa Mombasa oo Pakistaan u dhashay Madaxa Amniyaadka & Tababarada, iyo Madaxa Qaraxyada Iyo diyaarinta Is-miidaaminta Mahmud Mujajir oo u dhashay dalka Sudaan iyo xubno kale.

Kulankan oo la sheegay in lagaga arrinsanaayo sidii dib-u-habayn loogu samayn lahaa Kooxda kadib markii muddo ay dagaalo ku soo jireen isla markaana Horjoogayaasha dhexdooda uu khilaaf xoogan ragaadiyey, kuna fashileen ka-miro-dhalinta dagaalada ay galeen xiliyadii Ramadaan-kii ina dhaafay oo guuldarro ku soo dhamaaday.

Warar aan la xajiiqin ayaa sheegay in sidoo kale laga doodi doono sidii hogaan cusub loogu dooran lahaa Kooxda, bacdamaa Horjoogihii hayay xilkaasi Axmed Cabdi Godane lagu eedeeyay in uu la jaan-qaadi waayay waciyag ka jira Koonfurta Somalia, isla markaana kala qaybin ku sameeyey gudaha Kooxda, isaga oo ilihii dhaqaalaha u dhiibay xubno uu ka keensaday dhinca Somaliland, wuxuuna ka gaabiyay in uu dagaalada ay Kooxdu ku jirto gaarsiiyo degaanada Somaliland oo ay ka soo wada jeedaan isaga & Ibaarhim Xaaji Jaamac Meecaad, ilaa hadda ma cadda Horjoogaha xilkaasi loo magacaabi doono, inkasta oo ay jiraan musharixiin aad u badan oo xilkaasi u hanqal taagaya, waxaase wararku sheegayaan in Horjoogayaasha Muhaajiriinta ay isku raacsan yihiin in nidaamka hadda u dagaal gasho Kooxdu wax laga bedelo iyo hogaanka-ba, sidoo kale waxaana kulamadaasi barbar soconaya kuwo kale oo gooni gooni ah oo ay leeyihiin xubno Culimo taageerayaal u ah Kooxda iyo qaybaha bulshada taageersan.

Dad badan ayaa saadaalinaya in is bedel weyn oo dhinaca hogaanka ah uu kulankaa ka soo bixi doono, si loo kordhiyo dagaalada ay kula jiraan Ciidamada Dowlada & kuwa Amisom, iyada oo waliba la hadal hayo in Saraakiisha Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom ay mar-qura weeraro kama dambeys ah ay ku qaadi-doono dhamaan aagaga ay ku jiraan Maleeshiyaadka Shabab-ka bacdamaa ay meesha ka baxeen kuwii Xisbiga.