Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Afar Tababare Oo Qarka U Saaran In Shaqada Laga Eryo

Monday - January 10, 2011

London: Tababarayaasha kooxaha Liverpool, West Ham, Chelsea iyo Aston Villa ayaa wadnaha farta ku haaya ka dib markii ay dhaqaajin waayeen kooxooda,

Waxaana mid walba oo ka baqayaa in la siiyo warqadii uu shaqada kaga tagi lahaa
Tababaraha West Ham United yuhuud ka la yiraahdo Avram Grant ayaa u dhow in laga ceyriyo shaqada madaama kulankii xalay ay la yeesheen kooxdiisa kooxda New Castle lagu garacaay  5 gool iyo waxba waxaana West Ham ay u dhacdo qeybta hoose ee kala sareynta.

Labada Milkiile ee kooxda iska leh ayaa laga yabaa inay ceyriyaan tababaraha israa’iliga ah ka hor maalinta axada inta aysan West Ham ciyaarin kulanka FA cupka.
Tababaraha kooxda Liverpool oo tageerayaashiisa ayaa aad u soo yaraanayaan habeenba habeenka ka danbeeyay ayaa soo taabtay meeshii ugu hooseysay ee loogu sabro ka dib markii xalay kooxdiisa Liverpool 3 gool iyo gool dhulka lagu jiiday.
Milkilayaasha cusub ee Liverpool oo waayadanba raadinayay qofkii bedeli lahaa Roy Hodgson ayaa haatan laga yaabaa inaysan waqti dheer ku qaadan oo inta xilli ciyaareedka ka dhiman ay kooxda sik KMG ah ugu dhiibaan King Kenny Daglish oo laacib hore iyo tababare horeba ka ahaa kooxda Liverpool
Hodgson mar la weydiiyay xalay inuu u baqayo shaqadiisa ayuu ku jawaabay “shaqadeyda? diyaar ma u ahi inaan ka hadlo, waxa dhibaato xoogan iigu filan guushaan xun ee na soo gaartay”.

Tababaraha Cheslea Carlo Ancelotti oo sheegtay inuu heysto taageerida milkiilaha kooxda ayaa mar kale guul gaari waayya, waxaana Ancelotti oo bilowgii horyaalkan sheegayay inay qadi doonaan horyaalka uu labo maalmood ka hor qiray in kooxdiisa u dagaalameyso inay u soo baxdo koobka horyaalada qaarada yurub ee Sannadka danbe.
Chelsea oo kaalinta 5aad ku jirta ayaa laga yabaa in milkiilaha uu madax xanuun ka qaado qaab ciyaareedka kooxdiisa ee waayihiin u danbeeyay oo aad u sii xumaanayay taasi albaabka tusi karta Carlo Ancelotti tababarihii hore ee Ac MIlan.
Tababaraha ugu danbeeya ee shaqadiisa cabsi ay ku jirto ayaa ah tababaraha kooxda Aston Villa Gerard Houllier, ka dib markii kooxdaasi ay qeybta hoose u dhaadhacday guuldarro xalay gurigeeda kaga timid kooxda Sunderland.

Houlier ayaa isna saxaafada u sheegay inuusan cabsi ka qabin in shaqada laga ceyriyo balse Aston Villa ayaa hadii ay saan ku socoto waxa ay ka bixi doontaa horyaalka, hadii milkilayaasha ay doonayaan inay sii joogaan heerka kowaad waxa ay u baahnan doonaan inay isbedel sameyaan.