Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 7 May 2024

Nin Sacuudi Ah Oo Isku Gubay Dalkaa Isagoo U Jeeda Inu Boqorka Rido

Saturday - January 22, 2011

Saudia - Dalalka Carabta ayaa beryihii ugu danbeysay waxaa ka billaabmay in dad dhalinyaro ah ama Rag naftooda gubaya iyagoo ka cabanaya nolosha ay ku nool yihiin oo aad u liidata, Dadkaa is gubey waxaa kamid ahaa Maxamed Bu-Casiisi oo ahaa ninkii dhalinyarada ahaa ee isku gubey dalka Tunisiya ee sababta u ahaa in madax weynihii dalkaa Bin Cali uu ka Cararo dalkaa Tunisiya kadib markii Rabshado xooggan ay ka dhasheen ninkaa is gubay,

Iyadoo sidaas oo kalle ay isku gubeen wadamo kalle oo Carab ah dhalinyaro ka cabaneysa shaqo la,aan iyo nolol xumo waxaana ka mida dalalkaa Al-jeeriya oo nin dhalinyaro ah isku gubay iyo dalka Masar oo Baarlamaanka hortiisa uu isku gubay ninka isna shaqo la,aan iyo nolosha ka cabanaya, Sidoo kalle dalka dalka Muritaaniya ayaa isagana uu nin dhalinyaro ah isku gubay iyadoo arimahaas ama nimankaa is gubaya oo dhan ay dhaceen kadib markii nin is gubay awgii uu madax weynihii Tunisiya oo dalkaa xukumayey 23 sanadood uu uga cararay dalkiisii iyo xukunkiisii,

Hadaba dalka Sucuudiga oo isagu dhaqan ahaan ka duwan wadamadaa ayaa Booliska dalkaasi sheegeen inuu isku gubay nin aan magaciisa illaa iminka la sheegin laakiin loo malaynayo inuu ka cabanayey nolol aan fiicneyn oo in badan oo ka mida dadka Sucuudiga ahi ay ku nool yihiin, Dalka Sucuudiga oo ah dal Qani ah marka loo Eego wadamada kalle ee carabta ayaa hadana warbixinada dalkaa ka soo baxaa ay sheegayaan inay ku nool yihiin Boqolaal kun oo dalkaa u dhashay oo faqrigu meel xun la marayo,

Muftiga guud ee dalka Sucuudiga Sheekh Cabdiaziiz Bin Cabdillaahi Aala Sheekh ayaa dhiniciisa ka digey in dadka muslimiinta ah ay naftooda guban iyadoo arintaa diintu xaaraantimaysay xitaa hadii qofka noloshu ku xumaato,

Ninka Bilaabay is gubkan ee u dhashay dalka Tunisiya ayaan isagu marnaba filleyn inuu sabab u noqon doono in madax weynihii dalkiisu uu dalkaa uga carari doono isaga awgii iyo in malaayiin dadka Reer Tunisiya ah inay mudaharaadyo aan kalla joogsi lahayn u sameynayaan isaga awgii, Iyadoo dalal badan oo Carab ah oo ay ka taliyaan Kali-taliyayaal ay arintaasi ku keentay baqdin badan iyagoo ka walaacsan in dadkoodu ku kacaan guryahoodana loogo soo gallo,

Barkhad Cabdillaahi Maxamed / SWEDEN