Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Maamulka Puntland Oo Waaran Xarig U Jaray Raiisal Wasaare Farmaajo Hadduu Soo Caga Dhigo Ciida P/lan

Monday - January 24, 2011

Wararka ka imaanaya Maamul gobaleedka Somaliya ee Puntland ayaa sheegay inay Jeelka la tiigsan doonaan Ra'iisal Wasaaraha Somaliya Maxamed Cabdullaahi Faarmaajo Haddii uu cag soo dhigo maamul goboleedka Puntland meel ka tirsan waa la xiri doonaa, sidaasi maanta waxaa lagu sheegey war saxaafadeed ka soo baxay golaha wasiirada ee Puntland.
Nuxurka go’aanka ee golaha wasiirada ee Puntland ayaa in qof kasta oo ka tirsan DKMG ah laga mabnuucey in uu cag soo dhigo Puntland meel ka tirsan, ciddii go’aankaasi jabisa waa la xiri doonaa

Taasi micnaheedu waxay tahay in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Farmaajo Ra’isulwasaaraha DKMG ah la xiri doono haddii uu Puntland tago maadaamaa uu qorsheynayo in uu halkaasi tago si uu u xaliyo khilaafka ka dhexjira Puntland iyo DKMG ah

Waa heerkii ugu xumaa oo laga fikiri karo oo uu gaaro xiriirka labada maamul oo horey isgu fiicnaa tan iyo wixii ka horeeyey markii ay Puntland wayday jagada Ray'asal wasaaraha Somaliya.

Puntland dhawaan ayay ka baxday ka sii mid ahaanshaha DKMG ah kadib markii ay ku eedeysey in ay gacan bidxeyn iyo dafiraad xaqii Puntland ay ku kacday DKMG ah.

Go’aankani ayaa si rasmi ah isu hortaagaya waftiyo waanwaan raadin ah oo dhawaan tagi lahaa Puntland si xaalada loo qaboojiyo.

Go’aankan cusub ee Puntland ayaa lagu soo waramayaa in uu dhashay kadib markii kullan dhexmaray Madaxweyne Faroole iyo wakiilka Qaramada Midoobey Augustina Mahiga uu ku dhamaaday natiijo la’aan, Faroolana uu Garowe ku laabtay isagoo aad u caraysan, lama oga waxa ay labbada nin is dhaheen, laakiin waxaa la fahamsanyahay in Faroole uu Mahiga horgeeyey codsi ah in ay xiriirka u jarto DKMG ah, ama ugu yaraan aysan arrimaha Puntland usoo marin DKMG ah

Lama oga in go’aankani cusub uu Puntland ka mamnuucaya xildhibaanada iyo xubnaha dowlada ka tirsan ee Puntland ka soo jeeda, waxaa kaloo la ogeyn saameynta uu go’aankani ku keeni doono damaca Puntland ee ah in ay martigaliso shirweyne dib u heshiisiineed oo Soomaaliyeed si loo dhiso dowlada Soomaaliyeed oo ay Garoowe caasimad u tahay.

Farmaajo ayaa dhawaan ka xanaajiyey Puntland kadib markii go’aanka maamulka uu ku tilmaamay mid uusan shacabka la wadaagin, iyo hadalkii uu Golaha amaanka ka jeediyey ee ahaa in Puntland iyo Somaliland-ba ay yihiin maamulo hoos yimaada dowladiisa oo ay tahay in ay isaga ka amar qaataan.Farmaajo dhawaan waxa uu warbaahinta ka sheegay in uu quudaraynayo in uu tagayo Puntland balse lama oga inay tani ka reebayso fikirkiisii hore iyo inuu is miidaamin doono."