Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Burcad-Badeeda Oo Lala Tiigsan-doono Maxkamad Ku Shaqeysa Xeerka Soomaalida, Balse Xarunteeda Dibada

Tuesday - January 25, 2011

Daraasad ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa soo jeedisay in maxkamad ku shaqeysa xeerka Soomaalida, balse xarun looga dhigayo dal dibadda ah la sameeyo, si loo saaro burcad badeedda Soomaalida ee lagu soo qabto howlgalka ka socda xeebaha Soomaaliya.

Daraasadda ayaa sheegtay in ay kordheen weerarrada ay kooxaha burcad badeeddu ku qaadaan maraakiibta iyo doomaha, isla markaana ay sababeen in sanadkii uu caalamku ku bixiyo lacag gaareysa 7 bilyan oo doollar.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee dalka Faransiiska Jack Lang ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in dhaqaalaha ku baxaya maxkamaddan, xabsiyo cusub iyo tallaabooyinka kale ee lagu hirgelinayo in la sameeyo nidaam waafaqsan sharciga Soomaalida inuu ku baxayo kharash gaaraya 25 milyan oo doollar, taasoo uu tilmaamay inay aad u yar tahay marka loo eego dhaqaalaha ku baxa burcad badeedda.

Lang ayaa warbixintiisa ku sheegay in burcad badeeddu ay ku guuleysteen dagaalka lagala soo horjeedo, isagoo tilmaamay in iyagoo adeegsanaya qalab casri ah ay weerarradooda gaarsiiyeen meelo ka baxsan Badweynta Hindiya.

Haddii beesha caalamku ay muhiimad weyn siin wayso dhaqdhaqaaqa burcad badeedda iyo dhaqaalahooda sii kordhaya, ayaa masÂ’uulkaasi wuxuu sheegay inay gaari doonaan marka dambe heer aan waxba laga qaban karin.