Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Sh. Shangole Oo Ka Soo Yeeray Hadal Hawraarsan Leh Isagoo aan Xeerin Xeerka Shabaab Ay Ku Dhaaqmato

Tuesday - January 25, 2011

Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf (Fu’aad Shongole) ayaa markii u horeysay Khudbad ka duwan khudbadihii adkaa ee uu horay uga jeedin jiray meelaha fagaaraha ee ay dadka isugu yimaadaan jeediyay isagoo si layaab leh u badalay mowqifkiis.

Fu’aad Shongole oo ah nin ad adag, hadaladiisana ay kulul yihiin ayaa Khudbad lidi ku ah kuwiisa hore jeediyay, isagoo ka digay in si fudud dadka lagu gaaleysiiyo, deetana dhiigiisa la baneysto.

“Carabkiina ka ilaaliya inaad qof Murtad dhahdaan, sabab la’aan hebel waa gaaloobay, oo aad dhiigiisa ku baneysataan dhalinyaroy”ayuu yiri Fu’aad Shongole oo u muuqday nin mowqifkiisa wax iska badaleen.

Mr Shongole oo u qaabilsan Shabaab dhinaca dacwada iyo soo saarista Fatwooyinka ayaa warar soo baxaya sheegayaan in xilkaas laga qaaday, kadib markii uu dhamaadkii sanadkii hore lahjad kulul ku weeraray Amiirka Al-Shabaab.

“Qof hadii Gaalnimo uu ku tuuro qof kale isagoo mu’min ah ogaada taas waa ku soo laabaneysaa, Gaalnimaa nin hebel ku arkay, muxuu u aaday meelahaas ma ahan wax lagu deg dego, dhiigiisana lagu baneysto”ayuu sii raaciyay Fu’aad Shongole oo ugala jeeday dadka taga xarumaha Dowladda ee aan ka tirsaneyn in isagoo aan la ogeyn wuxuu u aaday in la dilo, taasoo marar badan ay u dhacday dilalkaas gardarada ah.

Mar Fu’aad uu soo hadal qaaday Xukuumadihii dalka soo maray ee kala ahaa Maxamed Siyaad Barre, Gen. Caydiid, Cali Mahdi, C/llaahi Yuusuf inay ahaayeen Xukuumado aan marna ogoleyn Shareecada islaamka.

“Waligeen Jabhad miyaa ahaaneynaa, waxaan marqaati ka ahay in qaladaad badan inuu jiro”ayuu si kooban u yiri Fu’aad Shongole oo hadalkiisa u muuqday mid calaamad su’aal ahaa.

Khudbadaha kulul ee uu jeedinayo Fu’aad Shongole ayaa muujinaya sida mowqifkiisa uga soo dabcay, sidii hore, iyadoo Fu’aad horay goobaha fagaaraha uga hadli jiray hadalo uu ku weerari jiray Xubnaha Dowladda, isla markaana ku tar tarsiinayay in lala dagaalo.

Fawto uu sanadkii 2007-dii soo saaray Fu’aad Shongole ayaa waxaa uu ku gaaleeysiiyay Xubanaha Dowladda, sida Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Baarlamaanka in aragti lagu dilo, xaasaskoodana ay ka furan yihiin, sidoo kale waxaa uu dil ku xukumay dadka baabuurta u wata, kuwa biyaha u dhaamiya iyo dadka taageeraya, khudbadaas oo muuqaal Video laga haayo.

“Dhamaan inta biyaha u dhaamisa, baabuurka u wada, kuli waa Murtad, Madaxweynaha waa murtad, Ra’iisul Wasaaraha waa murtad, Baarlamaanka waa Murtad, waa inaad aragti ku dishaan, diinka ilaahey waa ka baxeen”ayaa ka mid aheyd Khudbadii Fu’aad ka jeedin jiray Masaajidada.

Ma cada waxa xilligan ku soo beegay in Fu’aad Shongole uu wax ka badalo mowqifkiisa hore, waxaana ay ku soo aadeysa xilli Shabaab ay qorsheynayaan inay bilaha soo socda ku dhawaaqaan Dowlad Islaami.