Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Saraakiil Qaramada Midoobay Iyo Midawga Afrika Oo ...

Monday - Feb 7, 2011

Addis Ababa: Saraakiil dhinaca ammaanka ah oo ka kala socota ururka Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa si gaar ay uga wada hadlay arrimaha dalka Soomaaliya waxayna isku raaceen in Soomaaliya loo diro ciidamo isku dhaf ah oo ka socda Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika kuwaas oo ku biiraya ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Saraakiisha labada dhinaca ayaa la sheegay in ay dejiyeen Istiraajiyado Military oo loogu talo galay in lagu howl geliyo 4,000 askari oo si wadajir ah uga amar qaadanaya Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, waxaana la dhisay Guddi Qaramada Midoobay iyo Midowga ka kala tirsan oo qiimeyn ku sameeya sida ay ciidamadaasi Soomaaliya ku imaan lahaayeen sanadkan gudihiisa.

Saraakiisha ciidamadaasi hoggaamin lahayd ayaa waxaa la sheegay in badankoodu ay ka imaan doonaan waddamada ku jira Midowga Afrika, inkastoo ay jiraan saraakiil kale oo aan la shaacin waddamada ay ka imaan doonaan.

Dhawaan ayay ahayd markii uu xoghayaha guud ee Q/midoobay Banki Moon uu ku dhawaaqay in Soomaaliya loo soo diro ciidamo lagu xoojiyo kuwa AMISOM ee hadda ku sugan dalka Soomaaliya ee gacanta siinaya dowladda KMG, isla markaasna ay arrintaasi ku raaceen Midowga Afrika.