Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Dagaal Lagu Hoobtay Dhiig Meel-kasta Camiray Oo Ka Socda Buuhoodle Iyo Agagaarkeeda

Monday - Feb 7, 2011

 Buuhoodle- Dagaalkii ugu xummaa ee muddooyinkan danbe ka dhaca gobolka Buuhoodle oo sababay khasaaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, ayaa dhexmaray ciidammada Somaliland ee ku sugan Deegaanka Kalshaale iyo ciidamada SSC.

Wararka aanu ka xiganay jiida hore ee dagaalku waxay sheegayaan in saaka waaberigii ciidamada SSC ay dagaal gaadmo ah shan goobood kaga soo qaadeen ciidammada Somaliland ee jooga jiida Kalshaale iyo Haggoogane oo halkaa sida la sheegay u joogay gurmad ay ku kala dhex galeen laba beelood

Inkasta oo aan si rasmiya loo hubin khasaraaha dhabta ah ee uu dagaalkani sababay, haseyeeshee sida dad ka dhaw labada deegaan oo la xariiray ayaa xaqiijiyeen in dhimashadu gaareyso qiyaas illa labaataneyo oo sideed ka mid ahi ka tirsanyihiin SSC, iyadoo wararku intaa ku darayaan inay jiraan dhaawacyo tobaneeye ku dhaw oo labada dhinacba ah.

Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Caddami oo maanta gelinkii hore warbaahintu kula kulantaya Xarunta Golaha Wakiillada Somaliland, ayaan ka hadal khasaraaha dhabta ah ee ka dhasha dagaalka, isagoo ku gaabsaday in ciidammada iska difaaceen weerarka kooxda SSC ku soo qaaday.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), oo saaka khudbad dheer ka jeediyay fadhi wada jira oo ay isugu yimaadeen Baarlamaanka Guurtida iyo Wakiillada, ayaa Goleyaasha qaranka iyo shacabka ugu baaqay inay difaacaan ciidammada qaranka, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yiri,  " Waxaan maqlay in saaka la soo weeraray ciidammaad qaranka ee jiida hore, anigoo ku kalsoon inay iska difaaci doonaan cid kasta oo soo weerarta, waxaan farayaa goleyaasha qaranka, shacabka iyo ciidammadu in laysu taago difaaca qaranka."
   
Dhinaca kale warar aan ka xiganay Radio Wirwir ayaa sheegaya in hada  dagaal aad u culus uu ka socda bariga Magaalada laascaanood kaasoo u dhaxeeya Ciidamo uu hogaaminayo Axmed karaash iyo ciidamada maamulka Siilaanyo oo duulkaanka ku soo qaaday Magaalada Lascanood.

Ciidamada Somaaliland ee ku sugan Gudaha Magalaada ayaa difaac adag ka galay magaaladaas, Waxaan la aqoon karin halka ay ku danbayn doonaan maadaama uu dagaalku ku soo dhawaaday magaalada lascanood.

Waxaa kale oo jira ayey yiraahdeen Gurmad ka soo kala baxay Hargaysa iyo Burco oo ku soo jeeda magaaalada lascanood si aan looga qabsan magaaladaas Axmed siilaanyo oo ku dhaarta inuusan dagaalka joojinayn illaa uu buuhoodle gacanta ku dhigo.