Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Raadiyo Khiyaali Oo Wareysi La Yeeshay Madxweynihi Hore Ee Tuunisiya Caabidiin Bin Cali

Monday - Feb 7, 2011

Jiddah: Walaalayaal Salaan Iyo Marxaba .. waxaa noo suura gashey waraysi dhinacyo badan taabanaya u la yeesho Radio Khiyaali kaasi oo kula kulmey guriga uu hada ka degan yahay magaalada Jiddah ee wadanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, wareysigiina waxa uu u dhacay sidan.

Raadiyo Khiyaali: Madaxweynihii hore ee Tuunis bal waxaad nooga warantaa xaalkaaga xukunkii intii laga ridey ka dib?

Bin Cali: Khuraafaad baad sheegeysaa yaa ku yiri madaxweynihii hore dheh, waan yara nasanyaa madaxweynana anuun-baa ah, shacabka reer Tuunis anaa qaba markaan doona waan ku noqonayaa.

RKH: Oo Madaxweyne maxaad sidaas u oranaysaa ma shacabka iyo xaaskaagaag isaga kaa khaldamay?

Bin Cali : Maya waa caadi kaba soo qaad xaaskeyga Layla waxa ay haysataa xoolo ka badan inta reer Tuunis haystaan sida ay doontana waa ka yeeshaa iyaguna waa sidaas oo kale markaa waxba farqi uma dhaxeeyo.

RKH: Saw taasi ma cadaynayso adiga iyo qoyskaaguba in aad boobteen xoolihii reer Tuunis oo aad ka dhigateen wax aad leedihiin?

Bin Cali : Beenaale ayaad tahay yaa kugu yiri xoolaan dhacnay kaliya dhawr guri oo yar yar ayaan ka dhisney Woqooyiga, koonfur, Galbeed iyo Bariga maxaa kale oo aan samaynay dadku way iska hadlaan.

RKH: Waxaad tahay madaxweynaha kaliya ee Carbeed ee wali nool ee la oran karo madaxweynihii hore markaa taasi saw faan kuu noqon mayso adiga?

Bin Cali : Waar waxaan ku iri nin iska hadlayaad tahay ee anigu madaxweyne ayaan ahay waligiinba meelahaas la meeraysta madaxweynihii hore iyo wax la mid ah.

RKH: Hadaba ma kuugu yeernaa madaxweynihii la tuurey ilayn waa adigi habeen madow ka cararey wadanka iyo xukunkiiba?

Bin Cali: Dee aflagaadadiinu waxay gaareysaa meel walba markaa waxaan idin leeyahay xishooda oo wax iskula hara.

RKH: Hada maxaad qabataa waa adigan degan Qasriga weyn ee quruxda badan?

Bin Cali : waan cibaadeystaa oo waxaan badiyaa salaada iyo quraan Akhriska wixii aan xumaan sameeyeyna ilaahay ayaan ka rabaa in uu iga cafiyo.

RKH: Waagii aad madaxweynaha ahayd waxaad la dagaalami jirtey diinta ma hadaad xaga ilaahay Xasuustey?

Bin Cali: Waxaan rabaa in aan badiyo dikriga iyo Quraanka garkana aan sii daayo oo aan noqdo wali ka mid ah Waliyada ilaahay.

RKH: Madaxda wadamada carabta ayaa kugu soo xigi oo Xukunka laga tuuri ayaad is leedahay?

Bin Cali: Aad baryahan ulama socdo wararka iyo dhacdooyinka waxaanse filayaa in Madaxweyne Mubaarak Tareenka kuwa ka dhacay uu hada yahay inkasta oo cirfyada la xajinayo.

RKH: Maxaad uga jeedaa cirifyada la Xajinayo ayaa ku xajinaya meesha ama kursiga ku haya?

Bin Cali: Waxaa ku haya oo meesha ha ka tagin leh Mareykanka iyo Yuhuuda oo cabsi badan qaba hadii uu sidaa meesha kaga tago in ay qolooyin aan la rabin xukunka qabsadaan.

RKH: Sawtan marka ay hadlayaan ku dhawaaqaya waa in isabadal dhacaa miyaanu hadalkooda iyo ficilkoodu is waafaqsanayn?

Bin Cali: Maya waa munaafiqiin korna waxbay u yiraahdaan hoostna wax kale ayey ka sheegaan markaa wax aad maqlaysaan waxba ha ka dhagaysan.

RKH: Maxaad adigu madaxda Carabta ee kaa danbaysa kula talin lahayd?

Bin Cali: Waxaan kula talin lahaa in ay kii lagu kacaaba iskaga cararo xukunka oo meelahaas qaxooti ku noqdo kii la xasuusan waayaana iska sii dhaganaado xukunka oo maalo ilayn bahashu way macan tahaye.
Waxaa Wareysigan khiyaaliga ah isku soo duba Ridey .. Xasan Ciise