Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Burcad Baded Somaali Oo Maanta Qafaashay Markab Shidaal Laga Leeyahay Dalka Talyaaniga

Tuesday - Feb 8, 2011

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa waxa ay sheegtay in burcad badeedka Somalidu ay maanta Talaadadii ay qabsadeen markab shidaalka qaada oo laga leeyahay dalka Talyaaniga

Warku waxaa uu intaa ku darayaa in burcad badeedkan oo lagu qiyaasay tiradoodu ugu yaraan 5 burcad badeed ah ay rasaas ooda kaga qaadeen markabaka ka hor inta aysan qabsan

Warku waxa uu intaa ku darayaa in markabkan oo marayay meel 500 oo mayl u jirta xeebaha India isla markana u jirta 800 oo mayl xeebaha Somaliya ay saarnaayeen 17 shaqaale u dhashay wadanka India iyo 5 u dhashay wadanka Talyaaniga

Warku waxa uu intaa ku darayaa in markab dagaal oo laga leeyahay dalka Talyaaniga uu haatan  ku sii jeedo goobta weerarku uu ka dhacay si sidi suragal u u soo furto Markabkaas