Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Somaaliland Oo Ciidamo Dheeri Ah Soo Tubtay Laascaanood Iyo Maxaabiis La Gaarsiyey Burco

Tuesday - Feb 8, 2011

Maamulka Somaliland ayaa Ciidamo Dheeri ah oo Boolis ah keenay Gudaha magaalada Laascaanood, ciidamada booliska ah oo lagu waday baabuurta waawayn ee somalidu u taqaan waaradka ayaa saaka galinkii hore la keenay magaalada lascanod,

Geesta kale waxaa gudaha magaalada Laascaanood lagu arkaya baabuur Ciidan kuwaas oo gaaf wareegaya gudaha Magaalada laascaanod iyadoo somaliland ay ka cabsi qabaan gadood kaga yimada shacabka, shalay ayay ahayd markii Ciidamo uu wato Ex Wasiirkii Hore ee Duulista iyo garoomada puntland Axmed Cismaan Karaash ay weerar ku soo qaadan ciidamada Degen Duleedka bari ee lascanod ee somaliland iyado halkaasi uu ka dhashay dhaawaca 2askari oo somaliland ah iyo 1-askari oo ka tirsan ciidamada Axmed karaash,

Ciidamada Somaliland gaar ahaan kuwa booliska ayaa bandow ku soo rogey guud ahaanba magaalada Laascaanod shalay goor casar ah, kadib markii dagaal khasaare badan dhaliyey uu ka dhacay deegaanka Kalshaale,

inta badan shacabka ku dhaqan magaalada laascaanood ayaa banaan baxyo sameeya xiliyada dagaaladu ay ka dhacaan gobolka Cayn gaar ahaan Deeganka Kalshaale,

Dhinaca kale Maxaabiis la sheegay in lagu soo qabtay dagaalki kalshaale ayaa la Soo Gaarsiiyey Xabsiga Dhexe Burco, laakiinse aan la xusin tirada ay ka koobanyihiin, waxaana la tilmaamaya in deegaamadii ay shalay ka dhaceen dagaaladu ay maanta degan-yihiin oo aanay wax dagaal ahi ka dhicin marka laga reebo Madaafiic salaadii hore ee Saaka laysku riday balse aan si soconin, waxaanay wararku sheegayaan in ilaa xalay ay deegaankaasi ku sii qulqulayaan gurmadyada ciidan

Dhinaca kale Magaalada Buuhoodle ayaa waxaa soo gaaray Masuuliyiin ka socota Maamulka Putland oo ilaa hada ku sugan, waxaanay wararka ka imanaya halkaasi ay sheegayaan in xaalada deegaankaasi kacsan tahay kana socdaan abaabul dagaal.

Si kastaba ha ahaatee dagaalkan shalay dhacay deegaanka Kalshaale ayaa ahaa kii ugu cuslaa ee ka dhaca halkaasi kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac ilaa hadana ma jirto cid ku hawlan waan-waan colaadeed oo ka dhacda halkaasi balse waxa ka socda abaabul dagaal oo xoogan.