Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Dawlada Jabuuti iyado Kaashaneysa Amniga Itoobiya Oo Dalkeeda Ka Saareysa Qaxootiga Jabhada ONLF

Tuesday - Feb 8, 2011

Jabuuti -War ay dhawaan shaacisay jabhada xoreynta ONLF ayaa lagu sheegay hawlgalo ay wada jir u fulinayaan ciidamada amniga ee Jabuuti oo kaashanaya qaar Itoobiyaan ah oo lagu qabqabtay dad shaacab ah oo qaxooti ah oo ka soo jeeda degaanka Soomaalida Itoobiya.

Hawgaladan lagu beegsadey qoxootiga Somaalida oo soo bilowdey dhamaadkii bishii ina dhaaftay ayaa lagu beegsaday aqalo iyo ganacsiyo ay dadkani ku lahaayeen magaalda Jabuuti,warka jabhada ayaa lagu daray in dadkaa la qabqabtay lagu guray gawaari nooca ciidamada Itoobiya deetana aan la garaneyn halka ay ku danbeeyeen.

Jabhada ONLF ayaa canbaareysay falkan ka dhanka ah xuquuda aadanaha ee sharciga caalamiga ahana baal marsan ee ay dawlada Jabuuti ku kacday.

Jabahada ONLF waxa ay beesha caalamka uga codsatay hadalkan ay soo saartay in madaxda labada dal ee Jabuuti iyo Itoobiya lagala xisaabtamo falkan guracan ee ay kula keceen qaxootiga aan waxba galabsan .. dawalada Jabuuti iyo itoobiya ayaan eedeyntaas wax jawaaba ka bixin