Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Xaalada Kalshaale Oo Weli Kacsan Iyo Gurmadyo Labada Dhinac Soo Gaaraya

Wednesday - Feb 9, 2011

Waxaa wali kacsan xaaladda degaanka Kalshaale inkastoo saaka laga soo sheegaya in xaalada degaanadaasi ay degan tahay, balse dhinaca kale waxaa soo baxaya khasaaraha ay geysteen dagaaladii shalay iyo doraad ku dhexmaray ciidamada maamulka Somaliland iyo Jabhada SSC, waxaana Isbitaalka magaalada Burco la geeyay 31-qof oo ka mid ah ciidamada Dowladda Somaliland kuna dhaawacmay dagaaladii ka dhacay degaanka Kalshaale.

Hase yeeshee  Maamulka Somaliland ayaa sheegtay in dagaaladii ay ku qabatay 13-maxbuus oo ka tirsan maleeshiyo beeleedyada ku sugan degaanka Kalshaale, isla markaasina hub iyo gaadiid dagaal ay ka qabsadeen, iyagoo sidoo kale sheegay inay ka qabsadeen fariisimo ay horay ugu sugnaayeen.

Sidoo kale sarkaal u hadlay maleeshiyada taageersan jabhadda SSC ayaa sheegay inay guulo ka gaareen dagaaladii ka dhacay degaanka Kalshaale, wuxuuna ku hanjabay Somaliland haddii aanay ciidamadooda kala bixin degaanadaasi ay la dagaalami doonaan ilaa iyo inta ciidamadooda ka baxayaan degaanadaasi.

Si kasta ha ahaatee wararku waxay intaasi ku darayaan in 24-kii saac ee la soo dhaafay xaaladda degaanadii ay dagaaladu ka dhaceen laga dareemayo cabsi dagaal, iyadoo dadka degan goobihii ay dagaaladu ka dhaceen ay bilaabeen inay halkaasi isaga barakacaan, waxaana dhinacyadii dagaalamay oo isku hor fadhiya gudaha iyo hareeraha degaanka Kalshaale soo gaaraya gurmadyo ciidan iyo tiknikooyin hor leh.