Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Ciidamada Somaaliland Ku Si Qul-qulaya Degaanka Kalshaale Iyo Xaaladi Oo Si Cakirmeysa

Wednesday - Feb 9, 2011

Burco-Ciidamada Somaliland oo ay weheliyaan gaadiidka kala duwan ee dagaalka ayaa ku sii qulqulaya degaanka kalshaale ee dhawaan dagaalku  ka dhacay.

Ciidamada Somaaliland, ayaa  la sheegay  inay ku  biiri doonaan cutubyadii hore ee halkaasi ku sugnaa,sidoo kale wasiiro ka tirsan xukuumada madaxweyne Siilanyo iyo saraakiil sare oo ciidamada ka tirsan ayaa la filayaa inay ilaa berito soo gaaraan magaalada Burco ee xarunta gobolka togdheer,halka qaar kalena uga sii gudbi-doonaan dhinaca magaalada laascaanood ee gobolka  sool.

ilaa shalay  ayaa waxa muuqanaya abaabulada iyo diyaargarowga xoogan ee ay ku hawlan yihiin   masuuliyiinta xukuumada somaliland ,kuwaasoo tilmaamaya in markale dagaal culusi ka qarxo degaanka kalshaale.

Geesta kale,degaanka buuhoodle ayaa wararka ka imanaya sheegayaan in abaabul balaarani ka socdo halkaasi. iyadoo ay soo gaareen masuullin beesha halkaa degta ka tirsan oo ka yimi dhinaca Putland kuwaasoo ilaa hada ku sugan.