Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Wasiir Robert Getes Oo Ku Booriyey dalalka Carabta Iney Duruus Ku Qaataan Kacdoonka Tuunis Iyo Masar

Thursday - Feb 10, 2011

Wasiirka Gaashaandhiga dalka Maraykanka Robert Gates ayaa ku booriyay madaxda dalalka carabta inay duruus ku qaataan kacdoonkii ka dhacay dalka Tunis, isla markaana waxa uu sheegay inay casharo ka bartaan kacdoonka hadda ka socda dalka Masar ee lagaga soo hor jeedo madaxweyne Maxamed Xusni Mubaarak.

Wasiirka Gaashandhiga Maraykanka Robet Gates waxa uu sidaa ku sheegay shir jaraa’id ay wada jir u qabteen Wasiirka Gaashandhiga Faransiiska Alan Joobee, ayaa waxa uu sheegay in dalalka Tunis iyo Masar in looga baahan yahay in ay ku dhaqmaan Dimuqaraadiyad, taas oo uu sheegay in isbadal ka dhaca dalka Masar uu noqdo mid taabo gal ah.

Mar la weydiiyey Mr.Gates in uu aaminsan yahay in rabshadihii kacdoonka dhaliyay ee ka dhaca dalalka Masar iyo Tunis ay ka dhici karaan wadamo kale oo carabeed, waxa uu sheegay in ay ka dhic karaan haddii aanay wax ka qaban mushaakiladaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee ka taagan wadamo ka mid ah dalalka carabta.

Robert Gates waxa uu intaa ku daray in kacdoonkii ka dhacay dalalka Masar iyo Tunis uu ahaa mid shacabku ay ku muujiyeen sida ay uga cadhaysan yihiin  dhaqaale burburka iyo qalaanqalka  siyaasadeed ee ay ku soo jireen sanado badan.

Wasiirka Gaashaandhiga Faransiiska Alan Joobee oo isna shirkaa jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in madaxda Carabtu ay u sheegeen dalalka reer Galbeedka in cida keliya ee bedelaysa maamuladooda ay tahay xagjiriin, balse dhaqdhaqaaqa Mucaaridka ee wakhtiga badan la soo caburinaya loo baahan yanhay inay dib u habayn isku soo sameeyaan.