Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Xarbiga Kursi U Dirirka Loo Hanqaday Ee Villa Somaliya Oo La Is Xaniin Taabtay .. Musharaxiin Ay Ku Ciirsan-tahay Oo Doorashada Ka Hor Si Fayd-faytay Iyo Kuwa Weli Wax Si Dabaya

Thursday - January 19, 2017


Galdogob Times aduun u waramay oo hadal duulay iyo ilo lagu kalsoonyahay xigatay, ayaa ogaatay in loolinkii kursi u dirirka u hadda ku dhaw-dhawyahay sii dhamaad, waxaana la sheegay in Xasan Shiikh uu illa iminka dabinkii u maleegaayey ku soo xasiliyey 112 xildhibaan oo isugu jira beelaha kala duwan ee bulshada Somali, waxaase jira oo iyadana la ogaaday in lobbyistayaal ka socda dhinac Xasan Shiikh ay illa maalmahaan gorgortan jawaan lacageed kula jiraan 28 xildhibaan oo la wareegaaya moqorofad dawarsi kana soo jeeda konfur galbeed, kuwaaso markii hore kula saftay Shariif Xasan in beesha Digl Iyo Mirifle ay hesho kursiga Madaxweynaha ama Raiisal wasaaraha, taaso markii ay suragal noqon-weyday ay dhacday iney kala furfurtaan xildhibaanadi Shariif Xasan oo halkaas koox culus murtid ku noqotay .. Shariif Xasan ayaa si dadaal ah ku aadamaya in xildhibaanadiisa aysan ka kala furfurmin oo si wada jira maamulka imaanaya loogu gorgortamo .. Shariif Xasan waxay xildhibaanadiisu ku eedeynayaan inu sabab u ahaa kursiga gudoomiyaha baarlamaanka u ku soo boodo Jawaari oo aan la xulufo ahayn, halka Ragii is sharaxi-lahaa u Sharif Xasan shaqalka u taagay amase hor istaagay.

Dhinaca kale musharaxiinta u tartameysa kursiga madaxtinimada. waxaa la sheegay in Shiikh Shariif Axmed ay markiisi hore carabka u laalaadiyeen tiro gaareysa labataneyo, hasa-ahaate marku xulufeysi siyaasadeed durbaan la tumay islana soo masawiray wajiyaal tartamaaya si is-bahaysi ah, waxaa la sheegay in xildhibaano markii hore taageeradiisa afka ku hayey ay candhuuftoodi dib u liqeen, oo yiraahdeen; oo shariifku qaladkiisi shalay u ku xushay kuwii Bada iibsaday ayuu maanta hadana naga daba wada buundaad wasiiro cusub oo iyagana dhaforo taabasho ah ..  waayo waxaa la sheegay in inta badan bulshada iyo xildhibaanada ay aragti ahaan saluugsan-yihiin wax-tarka iyo awooda Saacid Shiikh-doon iyo ninka af-laboodada leh senator Cabdiraxman Faroole iyo Raiisal Wasaare ina Cabdi-rashiidba oo isna waxtr xumo lagu xanto .. waxaa la sheegay in Xasan Shiikh uu aad ugu farxay kulanka baahsan ee Shariif Axmed u la qaatay wajiyaal farta lagu godo ee inta badan bulshada u haysato kuwa dharkooda gubanaaya wixii siyaasi u dhawaadana ay la gubanayaan. 

Waxaa kalo isagana laga soo waramaya al-musharax Ex Raiisal wasaare Maxamed Farmaajo oo aleel badan ruxaya, in isaga illa hadda aan la soo sheegin xildhibaan ku yiraahda codka ayaa ku siinaya aan ka ahayn laba xildhibaan oo hawsha la wada, waxaase jira dad shacab ah oo taageeradiisa hadal haya, laakiin koleyba illa hadda inta la ogyahay xildhibaanada beeshiisa ma gargaarsado iyaguna si dhaba uma gargaaraan, oo waxaa inta badan lagu dhaliilaa in kooxda kambeynka horboodeysa ay yihii kuwa maqasha dayaca oo aan geel loo dirsan-karin

Dhinaca kale Al-Musharax Jibriil oo juhdi iyo tacab badan galiyey loolankiisa kursi u dirir, waxaa la tabinaya inu illa hadda si kalsooni leh u soo xasiliyey 31 xilhibaan oo qaarkood miciyaha waabaayo ugu laabantahay, kuwaasoo shuruud uga dhigay in wareega kowaad ay codka siin-doonaan, laakiin haddu boqol cod gaari-waayo ay codkooda xor u yihiin in murashaxa ay rabaan ugu shubaan.

Ninka la yiraah Al- Musharax Cumar Cabdi-rashiid oo isagu sida la ogyahay magaca aabhii maala, waxaa la sheegay inu illa 17 xildhibaan isku xir-xirtay oo ay ballan-qaad siyeen, laakiin weli habeeno ayuu gudaaya oo wuxuu ku jira baadi goob iyo xod-xodosho u ku raadsanaayo xildhibaano codka siiya. Cumar  Cabdi-rashiide sida la odorosaayo kuma jiro Musharaxiinta Wareega kowaadd soo gaaraya. haddu soo gaarana waa cod aan badneyn oo lagu raadinaayo gorgortan

Hadaba sida saadaasha iyo odorska illa waqtigaan waxay u muuqata in inta kale ee musharaxiinta ku loolameysa kursiga ay noqdeen amase meel uga ekaadeen Ri is-nuugtay, balse seeftu dhulka ka gashay. weyna garawsadeen in iyaga cidna rabin.
Cala Ay xaal bulshada Somaali meelkasta oo ay joogto gudo iyo dibadba, waxay si wada jira u aqoonsan-tahay in guud ahaa musharaxiinta maanta u cararaya Kursiga madaxtooyada waxa qorta u suran ma ay aha. balse duruufta ka jirta Somali awgeed midkoodna uma qalmi-karo xitaa madaxweyne maqaar saar .. Ruux haddi u seexdo  oo uu soo tooso waa kii uun, sidaa daraadeed fikirka iyo taladu waxay hada joogta waxaan humaaga musharaxiinta ah baa masiirkeeni maanta xambaarsan oo nagu soo hor mutaxan ee wax kale hadaan la hayn xulashadooda kuwaa mid ka mida waa hungo ee iska doorta mid maqaar saar ah oo ilkaha iyo ciridka idin muujiya. 
            The Editor