Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Madaxda Israaiil Oo Ka Walaacsan Haddi Ikhwaanul Muslimiin Ay Qabsadaan Talada Wadanka Masar

Friday - Feb 11, 2011

Raysul wasaarihii hore ee mamulka Yuhuuda ninka lagu magacaab Yuhud Barak yaa muujiyey qalqalka iyo cabsida xoogan ee uu ka qabo in talada wadanka Masar ay qabtaan ururka Ikhwaanul Muslimiin kaasoo uu ku sheegay inuu horseedi doono ku dhaqanka Shareecada.

Yuhud Barak ayaa yiri “dadka reer Masar waa inaysan u ogolaan Ikhwaanul Muslimiin inay talada wadanka qabtaan” isagoo ku eedeeyey in Ikhwaanku ay doonayaan hirgalinka xukunka Alle taasoo dhibaato ku ah buu yiri Bariga dhexe.

Yuhud Barak oo lagu xusuusto xasuuqii dadka reer Falastiin uu u geystey isaga iyo maamulkiisa weli xaqdarada ku jooga Gaza iyo dhulka reer Falastiin ayaa sheegay in dadka Yuhuuda ay u dhamaatay hadii Ikhwaanul muslimiin uu qabsado talada wadanka Masar ayna u badan tahay in dadka reer Masar ay jecel yihiin.

Wal-walka noocan ah ayaa muujinaya cadaawada dheer ee Yuhuuda iyo Maraykanka oo isku xulufo ah u diidan yahay in dhulka lagu xukumo shareecada Alle dadkuna ku wada dhaqmaan caddaalada Alle soo dejiyey taaso wax walba oo katraankooda maanta ay ku bixinayaan si aysan u dhicin.

Hadalka yuhuudigan ayaa laga siidaayey telefishanada iyadoo ay muuqato dadka reer Masar oo dibad baxyo waaweyn oo ay ku diidan yihiin maamulka Xusni Mubaarak uu weli socda lagana yaabo in talada wadankaasi uu isaga tago mar hadii dadkii ay diideen.

Yuhuuda iyo Maraykanka oo labaduba ka hadlay arinka Masar ayaa sheegay in Ikhwaanul muslimiin oo ah ururu islaami ah uu sii xoogeystay dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba haatana uu haysto dhalinyaro iyo aqoonyahano tayo fiican leh kuwaasi oo dhiiran kara hogaaminta jamhuuriyada Masar taasoo daaha ka rogeysa in la arko wadanka Masar oo kitaabka looga dhaqmayo lagana gudbay isku xukunka dimuqraadiyada iyo qawaaniinta.

Hase yeeshee masuul u hadlay Ikhwaanul muslimiin ayaa ku tilmaamay hadalka Yuhuud Barak mid aan wx qiime lahayn isla markaana umada reer Masar iyo guud ahaan shucuubta carbeed aysan danahooda weydiineyn haba yaraate Maraykan iyo Yuhuud oo ah labada cadaw ee maanta ugu weyn dunida islaamka.

Si kastaba marka la eego ereyada qaawan ee yuhuuda iyo Maraykanka beryahan dambe ka sheegayaan caalamka carabta ayaa muujinaya in labaduba aysan weli kamarneyn sidii ay dagaal iyo qalqal ugu abuuri lahaayeen dadka islaamka iyo wadamadooda.