Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Ciidamada Bada Ee Kurayada Koofureed Oo Meydki Burcadbadeeda Somaali Ku Wareejisay Dawlada Cumaan

Friday - Feb 11, 2011

Sarkaal sare oo ka tirsan wasaarada arimaha dibada ee xukuumada Kuurayada Koofureed ayaa sheegay inay ku wareejiyeen dalka Cumaan meydadka 8 ruux oo budhcad badeed Soomaali ah islamarkaana saarnaa Markab dagaal oo ay leedahay dowlada Kuuriayada Koofureed.

Sidoo kale Sarkaalka u hadlay wasaarada arimaha dibada ee Kuuriya ayaa waxa uu tilmaamay in Meydadka la dhigay cisbitaal boolis oo ku yaala wadanka Cumaan, waxaana lagu wadaa in dhawaan ay halkaa kasoo qaado diyaarad xamuul si loogu wareejiyo dowlada Somaaliya oo markii hore dalbatay in lagu soo wareejiyo meydadkaasi budhcadbadeeda Soomaalida ah.

Meydadkaani budhcad badeeda Soomaalida oo lagu dilay howlgal ay ciidamada mariiniska Kooriyada Koofureed bishii la soo dhaafay ay ku soo furteen markab kiimiko siday oo laga lahaa dalkooda laguna magacaabo Samho Jewelry ayaa in mudo ah waxaa ay dul saarnaayeen Markabka ay wateen ciidamada dagaalka ee dalka Kuuriya.
Dhinaca kale dowladda Kuuriyada Koofureed aya wali ku adkeysaneysa in ay maxkamadeyn doonto ilaa 5 ruux oo budhcad badeed Soomaali ah oo gacantooda ku jira.