Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Kogaamiye Col. Qadaafi Oo Ku Tilmaamay Dufaanada Kacdoonka Carabta Kuwa Ulajeedadooda Habowsantahay

Saturday - Feb 12, 2011

Hoggaamiyaha dalka Libya Kornayl Mucammar Alqaddaafi ayaa si cad u difaacay madaxweynaha shacabkiisu ku kacay ee dalka Masar Md. Xusni Mubaarak iyo madaxweynihii hore shacabku u rideen ee dalka Tunisia Zaynul-caabidiin Bin Cali, ayuu Qaddaafi oo deedifeynayey hadallada sheegaya in uu Mubaarak hanti badan si sharci darro ah uga urursaday dalkiisa, waxaanu Madaxweyne Mubaarak ku tilmaamay in uu yahay nin faqiir ah, oo xattaa aan haysan lacag uu dhar ku iibsado.

Qaddaafi waxa uu ku dooday in isagu uu dhinaca dhaqaalaha ka taageero madaxweyne Xusni Mubaarak, Mudaharaadada dalka Masar ka socdo ee dawladda lagu diiddan yahayna waxa uu ku eedeeyey in ay ka dambeeyaan dad uu sheegay in ay la shaqaynayaan hay’adda sirdoonka Yuhuudda ee MOSSAD.
Md. Qaddaafi oo lagu tilmaamo nin hadalladiisu mar kasta muran dhaliyaan ayaa hadalkan jeediyey isaga oo ka hor dhacaya baaq ay soo saareen urur mucaarad ku ah xukuumaddiisa iyo muwaadiniin u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada oo shabakadaha internet-ka soo geliyey in muwaadiniintu ay 17 ka bishan aynu ku jirno isugu soo baxaan mudaharaad loogu magac daro maalinta carada ee Libya, si iyada oo laga shidaal qaadanayo xaaladaha dalka Masar iyo Tunisia looga hortago dawladda.
Qaddaafi ayaa sidii ugu adkayd ee abid laga maqlo ugu digay waxa uu ugu yeeray isku day kasta oo lagu doonayo in fawdo lagu geliyo xasiloonida dalka Libya.

Saxafiyiin, dadka arrimaha bulshada u dhaqdhaqaaqa, hoggaamiyeyaal bulsho iyo aqoon yahan uu Qaddaafi la yeeshay kulan socday muddo saddex maalmood ah oo aan warbaahinta loo sheegin, waxa uu ka jeediyey hadallo isugu jira digniin iyo hanjabaado uu si cad ugu sheegay in cid kasta oo dhaqdhaqaaq noocan ah laga dareemo masuuliyaddeeda ay qaadi doonto beesha uu ka soo jeedo oo ay dawladdu kula xisaabtami doonto. Hadalladan ayaa la sheegay in ay niyad jab ku noqdeen dadkii kulanka loogu yeeray oo filayey in loo sheegi doono go’aamo uu Qaddaafi qaadayo oo ah is-beddelo siyaasiya iyo kuwo dhaqaale oo wax ku ool ah.

Dad goob joog ka ahaa kulankan ayaa si qarsoodi ah ugu sheegay barta internet-ka ee Libiya Alyawm oo xarunteedu tahay dalka Ingiriiska in Qaddaafi uu dadkan ula hadlay si adag oo uu uga digayo cawaaqibka ay la kulmi doonaan haddii ay ka qayb qaataan mudaharaadada ay mucaaradka dib wareegga ahi ku baaqayaan.

Arrintan ayaa noqonaysa jawaabtii ugu horreysay ee rasmiya ee ka turjumaysa wararka ay masuuliyiinta Libya ka qabaan baaqyada mucaaradku ku doonayaan in la bilaabo mudaharaaddo iyada oo lagu beegayo xuska maalinta uu dhacay kacdoonkii ardaydu ay kaga soo horjeedday Qaddaafi oo dalka Libya madaxweyne ka ahaa tan iyo sannadkii 1969-kii.

Waxa kale oo uu Qaddaafi kulankan kaga hadlay mushkiladaha haysta magaalooyinka Benghazi, Tobruk, Derna iyo magaalooyin kale, dhibaatooyinkaas oo ay ka mid tahay dayac dhinaca waddooyinka ah, shaqo la’aan baahday iyo musuq-maasuq.

Dhanka kalana Qaddaafi waxa uu u sheegay dadkii kulanka uu la lahaa sida uu caraysan yahay waxa ka dhacaya dalka Masar isaga oo si adagna u cambaareeyey talefishanka Aljazeera ee dalka Qatar laga leeyahay iyo sheekha caanka ah ee Yuusuf Alqardaawi oo uu sheegay in ay dadka Masar ku dhiirri gelinayaan in ay inqilaab ku ridaan Mubaarak, Qadaafi waxa uu is weydiiyey, “Muxuu Qardaawi dadka ugu dhiiri gelin waayey in ay ka hor yimaaddaan saldhigyada milateri ee ay Maraykanku ku leeyihiin Gacanka Carabta” Sidoo kale Qaddaafi oo hadda haya guddoomiyenimada ururka jaamacadda Carabta iyo ururka midawga dalalka Maqrib Alcarabi la isku yiraahdo waxa uu si adag u difaafacay saaxiibkiisii weynaa ee dalka Tunisia oo ah madaxweynihii xilka laga cayriyey ee Bin Cali, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Dadka reer Tunisia waxa ay ku naceen Bin Cali keliya xaaskiisu in ay tahay gabar ka soo jeedda magaalada Tripoli” isaga oo u jeeda caasimadda dalka Libya, kuna tilmaamaya xaaska Bin Cali in ay u dhalatay dalka Libya.

Qaddaafi hore ayuu u weeraray kacdoonkii lagu riday Bin Cali laakiin mar dambe waa uu ka noqday oo uu hadalkiisaa u turjumay qaab ah in waxa muhiimka ah ee uu ka hadlayey ahaa in amnigii iyo xasiloonidii ku soo noqoto Tunisia.
Dad xog-ogaal ah ayaa warbaahina u xaqiijiyey in hay’adaha sirta ee dalka Libya ay tan iyo toddobaadkii hore ku jireen ol’ole ballaaran oo ay ku ugaarsanayeen deggellada internet-ka dalka Libya  ee ay leeyihiin mucaaradka dibadda dalka ku nool, kuwaas oo ay badankoodii xayireen kadib markii ay si cad dadka ugu boorriyeen in laga hor yimaaddo nidaamka Qaddaafi.

Ururka lagu magacabo golaha wadaniga ah ee Libya oo mucaarad ah ayaa dadka ugu baaqaya in ay mudaharaad weyn isugu soo baxaan maalinta 17-ka bishan February oo ku beegan xuska mudaharaaddo bishan oo kale sannadkii 2006-da lagu diidanaa sawir gacmeedkii lagu ceebaynayey nebi Muxammed (C/S) laakiin markii dambe mudaharaadadaasi waxa ay isu beddeleen kuwo lagaga soo horjeedo Qaddaafi iyo xukunkiisa, taas oo keentay dhimashada iyo dhaawaca tobanaan qof.

Dalka Libya ayaa la filayaa in ay ka dhacaan mudaharaaddo ka dhan ah Qaddaafi, laakiin dad badan ayaa aaminsan in aanay mudaharaadadaasi miro dhal u noqon doonin sida kuwa Masar iyo Tunisa maadaama ay dadka Libya u dhisan yihiin qaab qabiili ah oo ay qabyaaladdu ka xoog badan tahay hay’adaha siyaasadda sidaa awgeed ay adag tahay in ay beeluhu isku raacaan, dhanka kalana waxa cabsi weyn laga qabaa tallaabada uu qaadi doono Qaddaafi oo 42 sano ka talinayey dalka Libya laguna yaqaanno in uu si xun uga aargoosto cid kasta oo ka hor timaadda.