Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Xaasaska Xildhibaanada Beljim Oo Loogu Baaqay Iney Ragooda Ku Soo Rogaan Cunaqabateynta Xaga Sarirta

Sunday - Feb 13, 2011

Haweenka ama lamaanayaasha xildhibaanada Baarlamanka wadanka Beljium ayaa loogu baaqay inay ragooda ama xaasaskooda ku soo rogaan cunaqabateyn dhanka sariirta ah oo ay lugaha ka xirtaan.

Baaqan sariir galgalasho diidka ah ayaa ka dambeeyey ka gadaal markii mudanayaasha baaarlamanka dalkaasi ay ku guuldareysteen inay soo dhisaan dawlad uu yeesho dalkaasi.

Dalka marka laga soo tago Soomaaliya wuxuu noqdey wadankii ugu horeeyey ee aduunka dawlad la’aan noqda mudo ku dhaw sanad waxaana taasi ugu wacan ka dib markii xisbiyada wadankaasi ay ku guuldareysteen dhismaha dawlad aqbilyad buuxda haysata, tani oo dhigan in la waayo xisbi si buuxda u hela aqbilabiyada looga baahan yahay dhismaha dawlad.

Doorashooyinkii ka dhacay dalka Belgim bishii June ee sanakdii hore ilaa iyo hada dalkaasi dawlad ma leh waxaana taasi ay ka dhigan in 241 maalmood aanu dalkaasi laheyn wax dawlad ah.

Dalka Ciraaq ayaa noqonaya wadanka kaliya ee soo raaca Beljeim kaasi oo aan laheyn wax dawlad ah mudo 249 maalmood ah oo ka dambeysay xiligii la riday xukuumadii Sadaam Xuseen, waxaase haysata kaalinta koowaad ee dawlad la’aanta Soomaaliya.

Haweenay ka tirsan baarlamanka wadanka Beljeim oo lagu magacaabo Marleen Temmerman ayaa u jeedisay xubnaha dhigeeda ah ee ka tirsan baarlamanka inay gabi ahaanba qaataan talaabada cunaqabateynta ciyaaraha sariirta iyadoo sheegtey in loo baahan yahay in la qaato talaabo la mid ah tii ay qaateen xaasaska xildhibaanada wadanka Kenya oo sanadkii hore ragooda ku soo rogay cunaqabateyn dhanka sariirta ah ka dib markii xisbiyada wadankaasi ay ku guuldareysteen inay dhisaan dawlad midnimo qaran, iyadoo aaqrikii xisbiyada Madaxweyne Kibaki & Ra’isalwasaare Raila Odinga ay isku raaceen dawlad wadaaga ah