Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Sheeko - Jiir Dibiray - By Cabdisalaam Yaasiin

Thursday - March 2, 2017

Jiir gaajoonaya ayaa helay joonyad bariis ah oo bayleh ah. Joonaydii ayuu fagay oo meel ka banaystay. Bariiskii ka soo daatay ayuu cunay.

Hareerihiisa ayuu eegay. Wuxu arkay in uu bariisku baylah yahay oo dadkii lahaa aanay ilaashanayn.

Ka dibna daloolkii ayuu sii fagay oo jowaankii ayuu gudaha u galay. Siduu bariiskii u cunayay ayuu dibiray. Wuxu doonay in uu jowaanka ka baxo si uu u neefsado. Wuxuse mari kari waayay godkii.

Isaga oo cifanaya ayay qorato aragtay. Waxay ku tiri “Maxaad la hinraagaysaa?”

Wuxu ku yiri, “Godkii baan ka bixi kari lahay.”

Waxay ku tiri, “Waad dibirtay ee caawo dibira dhacso, oo marrkaas beri ka bax.”

Waagi markuu beryay ee jiirki dibiro dhacsaday ayuu is ilaaway. Halkuu godkii ka bixi lahaa, ayuu mar kalay ku jeestay bariiskii. Hadana waa dibiray.

Isaga oo cifinaya, ayaa bisada ku soo baxday. Madaxii uu la soojeeday ayay miciyaha gelisay oo soo dhufatay. Jiirkii bariiska ka dibiray; calooshii bisaduu galay!!!