Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Daacish Xeel Kama Dhamaato .. Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan Oo Shirqol Hagardaamo Lala Gaaday

Tuesday - March 7, 2017


Dawlada Malesiya ayaa sheegtay iney fashalisay hagardaamo shirqool lala damacsanaa in lagu dilo Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdil-casiis, taaso ku begneyda mudadi boqorku u bishi hore socdaal tamashleyn ku kala bixinaayey dalal ka mida Eshiya.
Warkaan oo laga soo xigtay wargeyska Financial Times ayaa intaa ku dartay in arintaa darteed loo xiray todoba shakhsi oo u dhashay haybta Reer Yeman, kuwaaso doonaayey si is maqiiq ah iney ku dilaan boqorka, isla markaa taliyaha boliska ee qaybta magalada Kualambuur Khaalid Abubaka ayaa isagana dhiniciisa ka cadeeyey in todobada qof la qabtay ay sahminayeen dhaqdhaqaaqa boqorka lugtana kula jireen Ururka damaca ka dhamaan ee DAACISH oo isagu ka dambeeyey shirqolkaas.