Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Geesigi Dalkiisa Guusha U Horseeday Axmed Maxamed Kathrada Oo Duug Lagu Hubsaday Iyo Goobti Tacsidiisa Oo Lagu Dhalaaceyey Madaxweyne Jacob Zuma

Sunday - April 2, 2017


Aas iyo baroordiiq loo samaynayay halyeygi gobonimo-doonka Ahmed Kathrada oo dalka Koonfur Africa ka ahaa caan ayaa isu rogay meel lagu dhaleeceeyo Jacob Zuma.
Goobta ay tacsidu ka dhacaysay ayaa laga jeediyey hadalo looga soo horjeedo tilaabadii uu Jacob Zuma ku eryey wasiirka maaliyada.
Pravin Gordhan ayaa ahaa nin si weyn looga tixgeliyo dalkaas Koonfur Afrika.
Jacob Zuma ayaa ninkan ku badalay Malusi Gigaba oo hadda noqday wasiirka maaliyada ee Koonfur Africa.
Mr Gordhan oo hadlay ayaa sheegay in dalka Koonfur Africa uu galay xaalada qasnaan ah.
Tacsida loo sameeyey halyeygan dhintay ayaa waxaan iman madaxweyne Zuma oo loo sheegay inuusanba ka soo qayb galin.
Dalka Koonfur Africa ayaa hadda gallay xaalad cusub oo siyaasadeed iyadoo eedo badan loo jeedinayo madaxweyne Jacob Zuma.
Sidoo kale waxaa jira in xisbiga talada haya ee ANC xubno ka tirsan ay madaxweyne Zuma ku eedeynayaan jahwareerka taagan.