Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Lacagey Hadal .. Madaxweyne Trump Ee Camanka Tuuraya Oo Aamaan Iyo Bogaadin U Soo Jeediyey Boqor Salmaanka Sacuudiga Iyo Sababta .......

Thursday - May 25, 2017


Madaxweynaha Mareykanka is cajabiye Mr. Trump ee sida gaarka ah gefka, guulguulka iyo gacan-togleynta ku haya islaamka, isla markaana dhuxooda mooye aan wax kale u dhadhameyn, ayaa todobadyaan socdaalo ku kala bixinaayey dalalka Sacuudiga, Israaiil iyo Yurubta isagoo safarkiisi boqortooyada Sacuudiga kadib si kooban carabka ugu dhuftay guulihiisa xaga socdaalka u ku tagay Sacuudiya, wuxuuna si gaara u tilmaamay la kulankiisi boqor Salmaanka Sacuudiga oo u ku sheegay faankiisa inu yahay Oday fariid ah xikmadi ku duugantahay oo fikirkii aan horay u qabay nabad iyo naq baa badalay iyo isagoo horumarka wax is dhafsi kaalin weyn kaga jira, Laakiin siyaasiiyiin dupolmasi oo u duun-daloola arimaha Bariga Dhexe ayaa amaantaas u Trump bixiyey ku sifeeyeey" lacagey hadal" iyo hadal ku gabasho afka un ka jira uurka aan ka jirin, balse ah mid ka tarjumeysa xod-xodosho inu markale wax xantoobsado iyo dabinka u muluq kaga siiyey Money-gi Sacuudiga dhamaantiis iyo Dahabkii dalkaas oo u xashimo ka buuxsaday.

Madaxweyne Trump oo hadda socdaalkiisi gabagabo ku maraya dalal ka mida yurub ayaa halkaas garwadeenada is-bahaysiga Nato kula xaajooday sidi ay meel uga soo wada jeensan-lahaayeen la dagaalanka waxa ay ku sheegaan Xag-jirka islaamka